Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Ligue 1

Arrinta Lama Filaanka Ah Ee Uu Sameeyey Kylian Mbappe 72 Saacadood Kaddib Finalkii Koobka Adduunka

by Abdiwahab Ahmed
December 21, 2022
0
Arrinta Lama Filaanka Ah Ee Uu Sameeyey Kylian Mbappe 72 Saacadood Kaddib Finalkii Koobka Adduunka

Xiddiga reer France ee Kylian Mbappe ayaa sameeyey arrin layaab leh markii saaka lagu arkay isaga oo ku sugan garoonka tababarka kooxdiisa Paris Saint-Germain, isla markaana uu la baxay dharka oo uu xidhay kabaha iyo goomada si uu tababarka ula qaato ciyaartoydiisa.

ADVERTISEMENT

Mbappe oo saddex maalmood ka hor saddexlay ka dhaliyey finalkii Koobka Adduunka ee uu xulkiisa rikoodheyaasha lagaga qaaday koobka oo Argentina ay ku guuleysatay.

Qorshaha tababare Christopher Galtier ayuu ka baxsanaa Kylian Mbappe illaa inta laga gaadhayo sannadka cusub, balse warbaahinta ayaa mar kaliya ku war helay Mbappe oo kasoo degaya baabuurkiisa oo soo gelaya garoonka tababarka, waxaanay la boobeen sawirro.

Markii hore lama moodayn inuu tababarka la bilaabayo ciyaartoyda kooxdiisa oo kulan saaxiibtinimo duhurnimadii maanta ciyaarayay balse waxa la moodayay inuu u socdo arrimo kale oo uu soo booqday kooxda maadaama ay ahayd inuu fasax galo.

ADVERTISEMENT

Mbappe oo shalay ay da’diisu noqotay 24 jir, ayaa waxa uu saxaafadda ku tuuray laba kalmadood markii uu tababarka ka bilaabay garoonka Camp des Loges, waxaanu yidhi: “Waxa aan dareemayaa in aan fiicanahay, fiicanahay oo aad u fiicanahay.”

Sidoo Kale Akhri

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: War Cusub Oo Kasoo Kordhay Saxeexa Arsenal Ee Moises Caicedo

January 28, 2023
“Mudaneyaal & Marwooyin, Sababtan Darteed Ayaanay Arsenal Ugu Guuleysanaynin Horyaalka Premier League”

“Mudaneyaal & Marwooyin, Sababtan Darteed Ayaanay Arsenal Ugu Guuleysanaynin Horyaalka Premier League”

January 28, 2023

PSG ayaa laa sheegay in ay hore ugu qorshaysay Kylian Mbappe iyo ciyaartoydeeda qaybta ka ahaa finalkii Koobka Adduunka inay galaan toban maalmood oo fasax ah oo ay qoysaskooda la qaataan ka hor inta aanay tababarka kusoo laabanin, taas oo ka dhignayd in aanay ciyaarin kulanka horyaalka Ligue 1 ee Strasbourg ee Arbacada December 28, hase yeeshee Mbappe ayaa hadda diyaar u ah inuu dheelo kulankaas.

ADVERTISEMENT
Share414Tweet259
ADVERTISEMENT

Related Posts

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: War Cusub Oo Kasoo Kordhay Saxeexa Arsenal Ee Moises Caicedo

by Abdiwahab Ahmed
January 28, 2023
0

Garoonka tababarka kooxda kubadda cagta Brighton & Hove Albion waa uu ka duwanaa saaka sidii uu hore u ahaan jiray,...

“Mudaneyaal & Marwooyin, Sababtan Darteed Ayaanay Arsenal Ugu Guuleysanaynin Horyaalka Premier League”

“Mudaneyaal & Marwooyin, Sababtan Darteed Ayaanay Arsenal Ugu Guuleysanaynin Horyaalka Premier League”

by Abdiwahab Ahmed
January 28, 2023
0

Taageereyaasha kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa niyad-jab weyn muujiyey kaddib guul-darradii koowaad ee soo gaadhay kooxdooda muddo ka badan saddex...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.