Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Argentina mise France? Tababaraha Morocco Oo Shaaciyey Xulka Ay Taageerayaan Finalka

by Abdiwahab Ahmed
December 15, 2022
0
Argentina mise France? Tababaraha Morocco Oo Shaaciyey Xulka Ay Taageerayaan Finalka

Tababaraha xulka qaranka Morocco ee Walid Regragui ayaa amaanay ciyaartoydiisa oo taariikh weyn ka samaysay Koobka Adduunka oo ay noqdeen dalkii ugu horreeyey ee Afrikaan ah ee soo gaadha afar-dhamaadka, balse xalay uu Faransiisku reebay.

ADVERTISEMENT

Finalka Koobka Adduunka ayay iskugu soo baxeen Faransiiska iyo Argentina, halka Morocco ay kaalinta saddexaad ku dagaallami doonaan Croatia oo ay Sabtida wada ciyaari doonaan.

Xulka lagu naanayso Atlas Lions ayaa waxay wareeggii siddeedda ku reebeen Portugal, ka Spain ay iyagana ku garaaceen wareeggii 16ka, sidoo kalena ay Belgium ku garaaceen wareeggii group-yada oo ay sabab u ahaayeen in ay sidaas kaga baxaan tartanka.

Labadii gool ee Theo Hernandez iyo Randal Kolo Muani ay xalay kaga dhaliyeen Al Bayt Stadium ayaa ahaa goolasha kaliya ee laga dhaliyey xulka Morocco balse waxa jiray gool uu isku qabtay oo si qaldan uu iskaga dhaliyey Nayef Aguerd, taas  oo ka dhigan in laba gool oo kaliya laga dhaliyey lix ciyaarood oo ay dheeleen.

ADVERTISEMENT

Tababare Regragui oo ciyaarta kaddib saxaafadda la hadlay ayaa la weydiiyey xulka ay taageeri doonaan finalka, waxaana uu ku jawaabay: “Anagu waxa aanu bixinay dedaalkayagii ugu badnaa, taas ayaana ahayd waxa ugu muhiimsan, laakiin waxa jiray dhawr dhaawac.  Ciyaarta ka hor waxa aanu weynay Aguerd oo iskululayntii ku dhaawacmay, Saiss iyo Mazrauoui ayaa iyaguna dhaawacmay, balse taasi cudur-daar ma noqonayso.

Sidoo Kale Akhri

Sidee Ayuu Noqon Doonaa Miiska Kala-sarraynta Horyaalka Premier League Haddii Man City Loo Diro Heerka Labaad?

Sidee Ayuu Noqon Doonaa Miiska Kala-sarraynta Horyaalka Premier League Haddii Man City Loo Diro Heerka Labaad?

February 6, 2023
Aubameyang Oo Badheedhay & Lambarka Uu Chelsea U Qaatay Oo Layaab Ku Noqday Jamaahiirta Kooxdaas

Maxay Ahayd Sababtii Uu Aubameyang Uu Isaga Tagay London

February 6, 2023

“Qaladaad yaryar ayaanu samaynay, gaar ahaan qaybta hore, laakiin qaybtii dambe waanu fiicnayn inkasta oo uu goolka labaad na dilay.

“Ciyaartoydayada intooda badan taam ahaanshahoodu wuxuu ahaa 60-70%, haddana wax walba way hureen. Hadda waxa aanu finalka taageeri doonaa Faransiiska.”

ADVERTISEMENT
Share422Tweet264
ADVERTISEMENT

Related Posts

Sidee Ayuu Noqon Doonaa Miiska Kala-sarraynta Horyaalka Premier League Haddii Man City Loo Diro Heerka Labaad?

Sidee Ayuu Noqon Doonaa Miiska Kala-sarraynta Horyaalka Premier League Haddii Man City Loo Diro Heerka Labaad?

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Manchester City ayay suurtogal tahay in laga saaro horyaalka Premier League oo heerka labaad loo dhaadhiciyo, kaddib markii maanta uu...

Aubameyang Oo Badheedhay & Lambarka Uu Chelsea U Qaatay Oo Layaab Ku Noqday Jamaahiirta Kooxdaas

Maxay Ahayd Sababtii Uu Aubameyang Uu Isaga Tagay London

by Saed Mohamed
February 6, 2023
0

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.