Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Argentina Iyo Poland Oo Usoo Gudbay Wareegga 16ka Koobka Adduunka, Rikoodhkii Liitay Ee Messi Iyo Sucuudiga Oo La Degay Mexico

by Abdiwahab Ahmed
December 1, 2022
0

Xulka qaranka Argentina ayaa usoo gudbay wareegga 16ka Koobka Adduunka, kaddib markii ay Poland ku karbaasheen ciyaar uu Lionel Messi nasiibku ka  xumaaday oo uu khasaariyey rikoodhe, sidoo kalena lumiyey fursado badan oo kale oo uu helay.

ADVERTISEMENT

Argentina oo guul-darro ku bilaabatay koobka Adduunka ayaa dib ka dagaallantay oo labadii ciyaarood ee u dambeeyey guulo waaweyn soo hoysay, waxaanay sidaas kaalinta koowaad ugaga soo baxday Group-ka dhimashada ee C, waxaana sidoo kale soo gudbay Poland oo kaalinta labaad kaga soo baxday groupkan.

Laba gool oo ay kala dhaliyeen MacAllister iyo Julian Alvarez ayaa Argentina siiyey guushan sida weyn loogu dheg taagayay, hase yeeshee Lionel Messi oo ciyaartu diiddanayd ayaa isaguna khasaariyey rikoodhe loo dhigay qaybtii hore.

0 Poland v Argentina Group C FIFA World Cup Qatar 2022 Argentina oo si xooggan ku bilaabatay ciyaarta ayaa waxay kubadda u diidday Poland oo kaliya ku ururtay difaacooda, isla markaana samaynayay qaladaad badan oo dhinaca baaska ah.

ADVERTISEMENT

Acuna ayaa u dhowaaday inuu xulka Argentina hoggaanka u dhiibo, waxaana darbad xooggan oo uu ku toogtay goolka ay waxyar dhinaca ka martay birta iyadoo aanu goolhayuhuna hawaysanin inuu qabto kubaddaas.

Sidoo Kale Akhri

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

January 29, 2023
Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

January 29, 2023

Lionel Messi ayaa loo dhigay rikoodhe dhamaadka qaybta hore, waxaase si fudud uga badbaadiyey goolhaye Szczesny oo isku tuubay, waxaana uu goolhayaha Poland galay taariikhda Koobka Adduunka oo uu badbaadinta rikoodhahaas ku diiwaangashaday rikoodh taariikhi ah.

Szczesny ayaa noqday goolhayihii saddexaad ee tan iyo sannadkii 1966kii badbaadiya laba rikoodhe hal koob adduun gudihii, waxaana ka horreeyey Brad Friedel oo sannadkii 2002 laba rikoodhe badbaadiyey iyo Jan Tomaszewski oo sannadkii 1974kii laba rikoodhe badbaadiyey isaga oo u ciyaarayay xulka Poland.

0 GettyImages 1445810787

Waqtigii nasashada ayuu tababare Lionel Scaloni u tilmaamay xiddigaha xulkiisa sida ugu habboon ee ay u jabinayaan darbiga difaaca ee Poland, waxaanay kubadda u maamuleen si xooggan iyaga oo isku-dhiib iyo tiki-taka ku dilay Poland.

ADVERTISEMENT

Daqiiqaddii 46aad ee bilowga qaybta labaad ayay Argentina dhalisay goolka koowaad oo uu u saxeexay Mac Allister oo kubbad karoos ahayd oo uu ka helay Molina si fudud ugu leexiyey dhinaca goolka oo ka fogaa, waxaanay kubadda oo dhulka socotay gashay shabaqa iyadoo goolhaye Szczesny uu gaadhi kari waayey.

Lionel Messi ayaa garan waayey si uu yeelo markii kubbad uu ku toogtay goolka uu la waayey shabaqa, sidoo kalena Julian Alvarez ayaa shabaqa kaga dhuftay dhinaca kubbad uu dhinaca midig kala soo galay.

Fi1rojYXgAQF Dp

Argentina ayaa gool labaad dhalisay daqiiqaddii 68aad, waxaana u saxeexatay weeraryahanka da’da yar ee Julian Alvarez oo kubbad uu ka helay Fernandez si xarrago leh ugu hubsaday shabaqa, waxaanay ciyaartu noqotay 2-0.

Weeraryahanka Martinez ayaa kubbad uu ka helay goolka hortiisa waxa uu la seegay goolka iyadoo ku jarantay, waxaanay ciyaartu kusoo dhamaatay 2-0 ay guushu ku raacday Argentina.

Poland ayaa inkasta oo laga badiyey waxay usoo gudubtay wareegga 16ka, waxaana hadhay Mexico oo 2-1 kaga badisay Sucuudiga balse farqiga goolasha kaga hoosaysa Poland oo labaad kaga dhamaysatay hormada C.

Share340Tweet213
ADVERTISEMENT

Related Posts

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa meesha ka saaray in kooxdiisa ay ciyaartooy la soo wareegeyso maalmaha yar ee ka haray...

Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday labo arimood oo u sabab u ahaa guuldaradii 2-1 ee maanta...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.