Tababaraha kooxda kubadda cagta Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa qirtay, in cadaalad-darro loo sameeyey naadigiisa kulankii FA Cup ee ay barbarraha la galeen Wolves, taas oo waqti dambe laga dhaliyey gool ay VAR diidday.
Liverpool ayaa ciyaar ku-celis ah lagu qasbay markii ay barbarro 2-2 ah garoonkeeda Anfield kula gashay Wolves, iyadoo goolhaye Alisson Becker uu sameeyey laba qalad oo midkood aan sinaba lagu aqbali karayn.
Daqiiqaddii 82aad ayay Wolves dhalisay gool qurux badan oo uu u saxeexay Toti, hase yeeshee garsooraha ayaa ku tilmaamay offside markii uu calan-wadaha dhinaca midig gacanta kor u taagay ee uu sheegay in uu laacibkani ku jiray offside.
VAR oo laga soo hubiyey ayaa ku tilmaantay offside, laakiin arrinta cajiibka ah ayaa waxay ahayd in aan la helin muuqaal si cad u tilmaamaya ciyaartoyga offside-ka ku jiray, waxaana uu telefishanka ITV sheegay in kaliya garsooraha lagu raacay go’aankiisa maadaama aan wax caddayn a oo lagu ogolaado la haynin.
Mike Dean oo ahaa garsooraha VAR ee ciyaartaas ayaa isaguna xaqiijiyey in aanay shaqaynayn kaamirada koornaha ee kala caddayn lahayd haddii uu offside jiro iyo haddii kale.
Jurgen Klopp oo ciyaarta kaddib saxaafadd la hadlay ayaa qirtay in uu fahmi waayey sababta loo diidaya goolka laga daliyey kooxdiisa dhamaadkii ciyaarta, waxaanu yidhi: “Anigu ma hubo goolka saddexaad. Waxa aanu aragnay hal sawir oo offside ayuu ahaa, laakiin ma fahmi karayo sababta ay uga cadhoodeen. Anagu ma aanaan doonayn kaamirada VAR ee koornaha.”
Dhinaca kale, tababaraha kooxda kubadda cagta Wolves ee Jules Lopetegui ayaa waxa ku dooday in kooxdiisa laga diiday gool caddaan ah.