Weeraryahanka Barcelona ee Robert Lewandowski ayaa u garqaaday Erling Haaland iyo Kylian Mbappe oo ah hormoodka dhaliyeyaasha waqtigan ugu fiican dunida, kuwaas oo waqti horeba iyaga oo ay da’doodu yar tahay muujiyey inay adduunyada qabsan doonaan.
Haaland iyo Mbappe ayay dad badan rumaysan yihiin in ay dib usoo noolayn doonaan xafiiltan la mid ah Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi oo 15 sannadood ku tartamayay abaal-marinta Ballon d’Or.
Xiddiga reer Poland ee Robert Lewandowski oo waraysi siiyey wargeyska L’Equipe ee kasoo baxa waddanka Faransiiska ayaa la weydiiyey farqiga u dhexeeya Mbappe iyo Haaland, waxaana uu bilowgiiba ku qeexay kala duwanaanshaha boosaska ay ka ciyaaraan.
“Anigu ma hubo in KYlian Mbappe uu yahay lambar 9 dhab ah. Waa weeraryahan. Haa, waa ciyaartoy weerarka ka dheela, isaga iyo Erling Haaland ba waa ciyaartooyo cajiib ah.” Ayuu yidhi Lewandowski.
Waxa uu intaa ku daray: “Waa ciyaartooyo dheereeya, xawaare ayay ku ordaan. Waa sababtan midda iyadoo ay da’doodu aad u yar tahay ay heerkan kusoo gaadheen. Laakiin jidku wuu dheer yahay, iyaguse maanta ayayba muujiyeen sida ay u fiican yihiin.”
Kylian Mbappe iyo Erling Haaland ayaa la saadaalinayaa in sannadaha soo socda ay noqon doonaan kuwa ku dagaallama abaal-marinta Ballon d’Or iyo kabta dahabka ah ee tartamada waaweyn.
Xiddiga reer Norway ee Haaland ayaa xi8lli ciyaareedkan u dhaliyey Man City 24 gool isaga oo kaliya 19 ciyaarood u saftay, isla markaana ku cusub oo xagaagii kaga soo biiray Borussia Dortmund.
Mbappe ayaa isaguna PSG u dhaliyey 19 gool iyo shan kale oo uu caawiye ka noqday, isaga oo 20 kulan u saftay, waxaana uu dhowaan ku guuleystay abaal-marinta kabta dahabka ah ee Koobkii Adduunka ee Qatar oo uu siddeed gool ka dhaliyey.