Tababaraha kooxda Barcelona ee Xavi Hernandez ayaa amaan ugu qubeeyay da’yartiisa khadka dhexe ee Pablo Gavi iyo Pedri Gonzalez isagoo siiyay darajo ka sarreysa midiisii iyo mida saaxiibkiisii khadka dhexe ee Andres Iniesta.
Gavi iyo Pedri ayaa labaduba haatan ku maqan fasax kaddib ka qayb qaadashadoodii Koobka aduunka oo ay wareega 16-ka kaga hadheen balse dhawaan ayay soo laabanayaan si ay dib ugu bilaabaan xilli ciyaareedka 2022-23.
Tababare Xavi ayaa durba ka fikiraya soo laabashadooda xilli ay 31-ka bishan December kulan Catalan Derby ah la ballansan yihiin Espanyol.
Xavi oo wargeyska Mundo Deportivo la hadlay ayaa sheegay in isaga iyo Iniesta aysan joogin heerka haatan ee Gavi iyo Pedri markii ay 20 sano jirada ahaayeen.
“Anigu markii aan 20 sano jirka ahaa iyo Iniesta markii uu 20 sano jirka ahaa, maanu joogin heerka ay joogaan Pedri iyo Gavi….Heerkan maanu joogin” ayuu yidhi Xavi.
Markale Xavi oo sheegaya sida uu da’yarta hibada leh ee kooxdiisa ugu faraxsan yahay ayaa yidhi “Balde iyo Gavi waxkasta way ciyaareen, Ansu waa hibo, heerka uu Balde gaadhi karo waa cajiib, wuxuu noqon doonaa daafaca garab ee Barca 15-ka sano ee soo socda”.
Xavi ayaa haatan wajahaya culayska ah inuu guulaha kooxdiisa sii wado maadaama oo ay kahor Koobka aduunka hoggaanka ka qabteen Real Madrid.