Xaaska Angel di Maria Jorgelina Cardozo ayaa weerar ku qaaday xiddiga Faransiiska Adil Rami kaasoo maalmo ka hor afalagaadeeyay goolhayaha Argentina Emi Martinez islamarkaana ay baraha bulshada hadalo xun isku dhaafsadeen Angel di Maria.
Martinez oo 30 sanno jir ah ayaa sameeyay arimo badan oo muran dhaliyay sida inuu si joogta ah ugu maadeystay xiddigii seddexleyda ka dhaliyay Kylian Mbappe finalkii Koobka Adduunka.
Waxay taasi keentay in xiddigii hore ee France Adil Rami inuu aflagaadeeyo Martinez isagoo yiri:
“Midka ay dhilada dhashay ee ugu weyn kubada cagta. Ninka loogu neceb yahay kubada cagta.”
Di Maria ayaa difaacay saaxiibkiisa Martinez isagoo ku yiri Adil Rami: “El Dibu[Martinez] waa goolhayaha ugu fiican dunida. Bax meel kale ku ooy.”
Rami ayaa ka dib isna soo jawaabay isagoo Twitter ku soo qoray: “Ma i bari kartaa sida loo ooyo” wuxuu soo raaciyay afar sawir uu ooyayo Di Maria isagoo ku soo hoos qoray: “Mid waa marka aad guuldareysato, mid waa marka aad badiso, mid waa marka koox ka tagto, midna waa marka aad qoraalkeyga aragto.”
Qoraalkaas wuxuu ka careysiiyay Cardozo oo 40 sanno jir ah taasoo Rami ka weerartay dhinacyo badan oo ay ku jiro xiriirkiisii hore ee gabadha Pamela Anderson.
Waxay ku tiri: “Angel di Maria wuxuu ku bari karaa sida loo ooyo, sida dumarka loola dhaqmo iyo sida goolal loo dhaliyo finalada. Sannad cusub”
Cardozo ayaa tixraac ka dhiganeysa sheegashadii Pamela ee aheyd in Adil Rami uu u la dhaqmay si xun islamarkaana uu u hanjabay dhowr jeer.