Difaaca bidix ee Liverpool ee Andy Robertson ayaa shaaciyey sidii uu noqday dareenka ciyaartoyda kooxdiisa markii uu dhaawaca labaad soo gaadhay Luis Diaz oo Sabtidii lagu sameeyey qalliin uu muddo saddex bilood ah garoomada kaga maqnaan doono.
Xiddiga reer Colombia oo kasoo laabtay dhaawac halis ahaa oo bishii October ka gaadhay jilibka ayaa tababarka la bilaabay ciyartoyda kooxdiisa toddobaadkii hore, waxaase markiiba ku habsaday dhaawac kale oo isla jilibka ah oo sababay in qalliin lagu sameeyo.
Jurgen Klopp ayaa xaqiijiyey in muddada uu maqnaanayo Diaz ay ka badnaan karto saddexda bilood ee la qiyaasay, taas oo ka dhigan in xataa uu seegi doono kulamada wareegga 16ka Champions League ee Real Madrid.
Andy Robertson ayaa isaguna sheegay in dhaawacani ka nixiyey ciyaartoyda kooxda, waxaanu yidhi: “Dhamaantayo waanu niyad-jabay, waanu ka argagaxnay.”
Waxa uu Andy Robertson u rajeeyey Luis Diaz in uu sameeyo soo kabasho degdeg ah iyo in dhaawaciisani noqdo mid aan mar dambe soo laaban.