Alan Shearer ayaa qarsanin sida uu ugu faraxsan yahay in xulka Jarmalka mar kale lagu reebay wareega guruubyada Koobka Adduunka.
Xiddigii hore ee England ayaa qoraal iyo muuqaal qosol leh soo dhigay bogiisa Twitter ka dib markii la xaqiijiyay in Jarmalka ay ku hareen wareega guruubka.
Wuxuu Twitter ku soo qoray: “Germany waxaa lagu reebay wareega guruubyada Koobka Adduunka” wuxuuna soo raaciyay muuqaal uu qosol la dhacayo isaga iyo asxaabtiisa barnaamijka Match of the Day ee Gary Lineker iyo Micah Richards.
Dabaaldega Shearer ayaa ah mid ay ka siman yihiin taageerayaasha xulka England oo xusuusta goolkii laga diiday Koobkii Adduunka ee 2010kii.
Gool sax ahaa uu Frank Lampard ka dhaliyay Jarmalka ayaa la diiday ka hor inta aysan Germany ku badinin 4-1.
Germany are out of the #FIFAWorldCup in the group stage!! pic.twitter.com/h3bFEYn1Pw
— Alan Shearer (@alanshearer) December 1, 2022
Laakiin muuqaalka uu Shearer soo wadaagay ma ahan mid cusub, waa mid la duubay markii Lineker uu ka hadlayay in halyeeyga Brazil Carlos Alberto uu amaanay Micah Richards markii uu 22 sanno jir ahaa.
Lineker ayaa hadalkiisa markaas ku bilaabay: “Carlos Alberto haddii aad daawaneyso, miyaan dhihi karaa….” ka hor inta aan loo sheegin in Carlos Alberto uu geeriyooday xilli hore.
Qaladka Lineker ayaa keenay in seddexdooda ay qosol la dhacaan iyadoo Shearer iyo Richards ay ku maadeysteen waqtigaas Gary Lineker.