Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa caydhinaysa sagaal ciyaartoy oo ku dhibatoonaya Stamford Bridge, kuwaas oo uu tababaraha Graham Potter saluugsan yahay qaab-ciyaareedkooda, waxaana boosaskooda lagu buuxinayaa saxeexyada cusub ee ay Blues samaysay ee ay ugu dambeeyeen Joao Felix iyo Mudryk.
Mulkiilaha Chelsea ee Todd Boehly ayaa go’aansaday in isbeddel weyn uu ku sameeyo kooxda oo uu iska diro ciyaartoyda culayska dhaqaale ku haya, isla markaana aan anfaca badan u lahayn kooxdiisa, waxaana miiska xafiiskiisa saaran toban ciyaartoy oo uu ka takhalusayo.
Wargeyska The Telegraph ee kasoo baxa waddanka Ingiriiska ayaa helay liiska ay ku qoran yihiin magacyada ciyaartoyda ay Chelsea iska diray, waxaana ku jira xiddigo ay hore kooxdu lacago badan ugasoo bixisay, isla markaana mushahar badan ka qaatay.
Saddexda ciyaartoy ee ay Blues qasnaddeeda u jabisay ee Hakim ZIyech, Christian Pulisic iyo Kai Hvertz ayaaa ugu horreeya liiska, balse kalidood ma aha, waxaana ku wehelinaya Jorginho oo qandaraaskiisa Stamford uu ku egyahay dhamaadka xilli ciyaareedkan oo si xor ah uga tegi doona.
Sidoo kale, kabtanka Chelsea ee Cesar Azpilicueta ayaa la sheegay in Todd Boehly uu k fiirsan doono in ay siiyaan heshiis cusub oo sannad ah iyo in kale, laakiin ciyaartoy layaabka ah ee liiskan ku jira ayaa ah Kalidou Koulibaly oo £33 milyan oo Gini ay kaga soo iibsadeen Napoli xagaagii tegay.
Weeraryahanka reer Gabon ee Pierre-Emerick Aubameyang oo isaguna dhawr bilood ka hor uga soo wareegay Barcelona ayaa lagu daray liiska oo ay sidoo kalena ku jiraan goolhaye Edouard Mendy, Trevoh Chalobah iyo Conor Gallagher.