AKHRISO: Afarta Qaab Ee Argagaxa Leh Ee Xulka Faransiisku Ku Ciyaarayo Koobka Adduunka

Xulka qaranka Faransiisku waxa uu sannadkan 2022 raadinayaa in uu ku guuleysto Koobka Adduunka markii labaad oo xidhiidh ah, iyaga oo haysta midkii sannadkii 2018 ee ay Ruushka kusoo qaadeen.

Tababare Didier Deschamps ayaa lasoo shir-tegaya ciyaartooyo aad uga awood, karti iyo tayo badan safkii 2018 ee dunida qabsaday, waxaana isku raacaya Kylian Mbappe oo ay kubaddiisu si fiican u qaan-gaadhay iyo Karim Benzema oo lagu soo celiyey xulka qaranka, iyadoo la filayo in waliba ka hor inta aanu tartanku bilaabmin loo doorto xiddiga dunida.

Labadan oo kaliya ma aha, waxaase jira dersin kale oo weerarka ah oo ku wanaagsan dhalinta goolasha iyo sidoo kale kubbad-samaynta, sida Christopher Nkunku, Ousmane Dembele, Antoine Griezmann iyo Kingsley Coman

Advertisements

Xiddigahan oo dhami waxay ku suntan yihiin weerarka iyo khadka dhexe ee hore, gaar ahaan Christopher Nkuku oo isaga oo kubbad-sameeye ah haddana goolal badan dhaliya, hase yeeshee kubbad-burburinta ayaa uu wali sidiisii yahay N’Golo Kante inkasta oo ay dhaawacyo ragaadiyeen muddooyinkii dambe.

Maalmihii ugu dambeeyey waxaynu faaqidaynay xulalka ugu awoodda badan Koobka Adduunka ee ay loo saadaalinayo inay ku guuleysanayaan, waxaana aanu hore idiinku soo gudbinay Brazil oo shax qaab oo ay adag ku ciyaari karaysa, halka Faransiiskuna uu yahay dalka labaad ee haysta xiddigaha ugu badan ee kala-doorashooyinkoodana looga baahan yahay Didier Deschamps in uu si fiican u xusho.

Halkan kaga bogo afar qaab oo uu xulka qaranka Farance ku ciyaari karayo Koobka Adduunka:

Qaabka 1aad: 4-2-2-2

France. 1

Shaxdan waxa damaanad u haysta in ay kusoo bilowdaan labada weeraryahan ee Karim Benzema iyo Kylian Mbappe, waana labada xiddig ee ay u badan tahay in ay dheeli doonaan inta uu tartanku socdo.

Didier Deschamps ayaa kala dooran doona in uu laba weeraryahan oo afka  hore ah ku ciyaaro iyo inuu saddex ka  dhigo, laakiin labada mar walba damaanadda haysta waa Mbappe iyo Benzema, halka difaaca dhexean uu William Saliba helay kalsoonida tababaraha, isla markaana lasoo raacinayo Lucas Hernandez, Presnel Kimpembe ama Raphael Varane, halka Jules Kounde uu isaguna yahay ciyaartoy fiican oo uu tababaruhu ku kalsoon yahay.

Goolhaye: Hugo Lloris

Difaac Midig: Benjamin Pavard
Difaac Dhexe: Raphael Varane
Difaac Dhexe: Jules Kounde
Difaac Bidix: Theo Hernandez

Kubbad-burburiye: N’Golo Kante
Kubbad-burburiye: Aurelien Tchouaméni
Khad dhexe: Ousmane Dembele
Kubbad-sameeye: Antoine Griezmann

Afka hore: Kylian Mbappe
Afka hore: Karim Benzema

Qaabka 2aad: 4-3-3

France. 2

Moussa Diaby oo xilli ciyaareedakn si fiican kula bilowday Bayern Leverkusen ayaa garabka midig ka cidhiidhsan kara Ousmane Dembele, waxaanu weerarka ka caawin doonaa Karim Benzema iyo Kylian Mbappe.

Khadka dhexe ayaa waxa N’Golo Kante ay isku kaashanayaan Aurelien Tchouameni oo uu garab siinayo Paul Pogba, balse waa in uu laacibka Juventus kasoo kabto dhaawaca uu ku maqan yahay ee fursaddiisa hoosta u dhigaya.

Goolhaye Hugo Lloris

Difaac midig: Benjamin Pavard
Difaac dhexe: Raphael Varane
Difaac dhexe: Jules Kounde
Difaac bidix: Theo Hernandez

Kubbad-burburiye: Aurelien Tchouaméni
Khadka dhexe: N’Golo Kante
Khadka dhexe: Paul Pogba

Garabka midig: Kylian Mbappe
Weerarka dhexe: Karim Benzema
Garabka bidix: Moussa Diaby

Qaabka 3aad: 4-2-3-1

France. 3

Waa qaabka saddexaad oo uu kaliya weerarka ku ekaanayo Karim Benzema, hase yeeshee waxa caawinaya Nkunku oo ah kubbad-sameeye gool-dhalinta fasax loo siiyey. Waxa kale oo shaxdan fursad helaya Kingsley Coman halka Kylian Mbappe uu isaguna booskiisa xajisan doono inkasta oo uu garab kasoo shaqayn doono.

Goolhaye: Hugo Lloris

Difaac midig: Benjamin Pavard
Difaac dhexe: Raphael Varane
Difaac dhexe: Jules Kounde
Difaac bidix: Theo Hernandez

Kubbad-burburiye: Aurelien Tchouaméni
Kubbad-burburiye: N’Golo Kante
Dhexda midig: Kylian Mbappe
Kubbad-sameeye: Christopher Nkunku
Dhexda bidix: Kingsley Coman

Afka hore: Karim Benzema

Qaabka 4aad: 4-3-1-2

Waxa kubbad-sameeye caawiya Benzema iyo Kylian Mbappe laga dhigi doonaa Christophe Nkunku, balse waxa isaguna qaabkan fursad helaya Antoine Griezmann oo khadka dhexe kasoo ciyaaraya, halka kubbad-burburinta loo xil-saarayo Tchouameni iyo N’Golo Kante.

Goolhaye: Hugo Lloris

Difaac midig: Benjamin Pavard
Difaac dhexe: Raphael Varane
Difaac dhexe: Jules Kounde
Difaac bidix: Theo Hernandez

Kubbad-burburiye: Aurelien Tchouaméni
Khadka dhexe: N’Golo Kante
Khadka dhexe: Antoine Griezmann

Kubbad-sameeye: Christopher Nkunku
Afka hore: Kylian Mbappe
Afka hore: Karim Benzema

Advertisements

France. 4

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada