Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Suuqa Kala Iibsiga

AKHRISO: 40ka Xiddig Ee Ugu Qiimaha Badan Dunida Ee Heshiisyada Xorta Ah Lala Geli Karayo Bishan January

by Abdiwahab Ahmed
December 27, 2022
0
AKHRISO: 40ka Xiddig Ee Ugu Qiimaha Badan Dunida Ee Heshiisyada Xorta Ah Lala Geli Karayo Bishan January

Maalmo kooban ayaa ka hadhay suuqa iibka ciyaartoyda ee January oo la filayo inuu ka  mashquul badnaado sidii uu ahaan jiray sannadihii hore, waxaana qasnadahooda jabinaya kooxo badan oo ay ku jiraan quwadaha Premier League ee Manchester United, Liverpool iyo Chelsea.

ADVERTISEMENT

Jurgen Klopp ayay kooxdiisa Liverpool horeba u xaqiijisatay saxeexeedii koowaad oo ah Cody Gakpo, laakiin Graham Potter ayaa dedaal badan samaynaya si uu u helo saxeexyo soo nooleeya kooxdiisa kaalinta siddeedaad fadhida. Arsenal way sheegtay inay samaynayaan saxeex weerar ah, hase yeeshee Manchester United ayuu culays badan saaran yahay oo lacago badan farraqi doonta.

Koobkii Adduunka ee dhowaanta lasoo gabogabeeyey ayaa sii kordhiyey mashquulka suuqa January, waxaana la kala jiidanayaa ciyaartooyo si fiican isku muujiyey.

Sidaas oo ay tahay, waxa jira ciyaartooyo badan oo heshiisyo xor ah u saxeexi kara kooxaha ay doonayaan maadaama qandaraasyadoodu ku egyihiin dhamaadka xilli ciyaareedkan. Chelsea waxa iyada oo arkaysa ay toddobaadka dambe xor u noqon doonaan xiddigaheeda N’Golo Kante iyo Jorginho inay la hadlaan kooxda ay doonaan, lagamana joojin karo haddii aan lagu qancin in heshiis cusub ay u saxeexaan Blues.

ADVERTISEMENT

Liverpool ayaa sidoo kale lumin karta Naby Keita iyo Roberto Firmino oo ka mid ah afar ciyaartoy oo qandaraaskoodu ku egyahay bisha June, waxaana wehelinaya Oxlade-Chamberlain iyo James Milner.

Sidoo Kale Akhri

Manchester United Oo Toddobaadkan Samaynaysa Arrin Ay Ugu Dambaysay 56 Sannadood Ka Hor

Manchester United Oo Toddobaadkan Samaynaysa Arrin Ay Ugu Dambaysay 56 Sannadood Ka Hor

February 7, 2023
DEG-DEG: Manchester City Oo War-saxaafadeed Soo Saartay Xilli Fadeexado Dul-hoganayaan

Man City Oo Shir Deg-deg Ah Ugu Yeedhay Tababareyaasha & Shaqaalaheeda

February 7, 2023

Man United ayaa go’aamo ka qaadatay afar ciyaartoy oo ay u hirgelisay qodob ku jiray qandaraaskooda oo ahaa in ay 12 bilood oo kale sii haysato, waxaana ciyaartoydaasi yihiin Marcus Rashford, Fred, Dalot iyo Aaron Wan-Bissaka hase yeeshee waxa aan wali lala hadal David Dea. City ayaa iyaduna u dhow inay lumiso Ilkay Gundogan.

Dhinaca horyaallada kale, Lionel Messi ayaan wali saxeexin heshiis cusub oo kusii hayanaya PSG, sidoo kalena Real Madrid ayaa darsin ciyaartooyo ah ay bishan xor u noqon doonaan inay kooxo kale heshiisyo hordhac ah lasii galaan, waxaana ka mid ah Luka Modric, Toni Kroos, Karim Benzema, Marco Asensio iyo Nacho.

Liiska hoose waxa aanu idiinku soo gudbinaynaa 40ka ciyaartoy ee ugu qiimaha badan ee bisha January xorta u ah inay kooxo kale heshiisyo hordhac ah lasii galaan.

Milan Skriniar (Inter Milan), Lionel Messi (PSG), Youri Tielemans (Leicester), Karim Benzema (Real Madrid), Jorginho (Chelsea), Wilfried Zaha (Crystal Palace), Marcus Thuram (Gladbach), Evan Ndicka (Frankfurt), Leandro Trossard (Brighton), Thomas Lemar (Atletico Madrid), N’Golo Kante (Chelsea), Daichi Kamada (Frankfurt), Youssoufa Moukoko (Dortmund), Roberto Firmino (Liverpool), Konrad Laimer (RB Leipzig), Ilkay Gundogan (Man City), Adrien Rabiot (Juventus), Marco Asensio (Real Madrid), Viktor Tsygankov (Dynamo Kyiv), Caglar Soyuncu (Leicester), Toni Kroos (Real Madrid), Memphis Depay (Barcelona), Raphael Guerreiro (Dortmund), Alejandro Grimaldo (Benfica), Ramy Bensebaini (Gladbach), Jonathan Bamba (Lille), Naby Keita (Liverpool), Houssem Aouar (Lyon), Ruslan Malinovskyi (Atalanta), Moussa Dembele (Lyon), Nelson Semedo (Wolves), David de Gea (Man Utd), Stefan de Vrij (Inter), Andrea Belotti (Roma), Hector Bellerin (Barcelona), Adama Traore (Wolves), Luis Muriel (Atalanta), Luka Modric (Real Madrid), Angel Di Maria (Juventus), Marcos Alonso (Barcelona).

ADVERTISEMENT
Share311Tweet195
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester United Oo Toddobaadkan Samaynaysa Arrin Ay Ugu Dambaysay 56 Sannadood Ka Hor

Manchester United Oo Toddobaadkan Samaynaysa Arrin Ay Ugu Dambaysay 56 Sannadood Ka Hor

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Manchester United ayaa laba jeer la ciyaari doonta Leeds United  toddobaad gudihii, iyadoo la ogyahay xafiiltanka taariikhiga ah ee u...

DEG-DEG: Manchester City Oo War-saxaafadeed Soo Saartay Xilli Fadeexado Dul-hoganayaan

Man City Oo Shir Deg-deg Ah Ugu Yeedhay Tababareyaasha & Shaqaalaheeda

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Manchester City aya isku-diyaarinaysa inay dagaal toos ah la gasho Premier League, kaddib markii lagu eedeeyey in ay 115 jeer...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.