Afar ciyaartoy ayaa sabab u ahaa guul-darradii ay Manchester United kala kulantay Arsenal oo ay Axaddii ku booqatay garoonka Emirates Stadium, halkaas oo ay kusoo lumiyeen fursad ay sare ugu soo kici lahaayeen oo ay kusoo yarayn lahaayeen farqiga ay Gunners ka horreyso.
Erik ten Hag ayay kooxdiisu gool-dhalinta la hormartay, balse Arsenal ayaa ugu jawaabtay laba gool oo wada socda ka hor intii aanay mar kale Red Devils soo noolaanin, iyadoo Eddie Nketiah uu daqiiqaddii 90aad dhaliyey goolka guusha siiyey Arsenal ee ciyaarta ka dhigay 3-2.
Kabtankii hore ee Manchester United ee Roy Keane ayaa guul-darradan waxa uu ku eedeeyey inay sabab u ahaayeen afar ciyaartoy oo Manchester United ah, halka uu sidoo klena amaanay kooxda tabbare Mikel Arteta ee Arsenal.
Waxa kale oo uu Roy Keane qiry, in si aad ah loo tabay xiddiga Brazil ee Casemiro oo ganaax kaga maqnaa ciyaartii Emirates Stadium ee shalay kaddib shan kaadh oo huruud ah oo uu qaatay bilihii uu joogay horyaalka Premier League.
Keane ayaa waxa uu sheegay, in Scott McTominay oo beddelay Casemiro, khadka dhexe ee Fred iyo labada difaac ee Luke Shaw iyo Aaron Wan-Bissaka ay ahaayeen kuwa ay kooxda halkooda ka jabtay, waxaanu yidhi: “United si fiican uma aanay ciyaarin laakiin waxay ila tahay inay barbarraha heli karayeen, dhibicdasina wax badan ayay u noqonaysay.
“Laakiin dhamaadkii ciyaarta, dhinaca bidix ee Luke Shaw ayay calaamad su’aal saarnayd, sidoo kale Wan-Bissaka, difaacista Fred iyo McTominay ayaa iyaguna sabab u ahaa. Wali dhibatadii hore ee Manchester United ma aanay dhamaanin.”