Sacuudi Areebiya ayaa isku qortay taariikhda Koobka Adduunka ka dib markii guul soo laabasho cajiib ah ay ka gaareen mid ka mid ah xulalka loo saadaalinayo Koobka Aduunka ee Argentina oo ay 2-1 ku garaaceen.
Hadaba waxaan eegeynaa afar waxyaabood oo sababay guuldaradii Argentina iyo guushii lama filaanka ee Sacuudiga.
1. Messi Kaliya Ayay Ku Tashadeen
Bilowgii ciyaartaba waxaa la arkayay doorka Messi ee ciyaarta iyo taatikada xulka Argentina taasoo aheyd in Messi uu ka muuqdo meel walba.
Xiddiga 7da jeer ku guuleystay Ballon d’Or ayaa udub dhexaad u ahaa kooxdiisa, isagoo isku bedbdelayay weerarka iyo inuu gadaal u soo dego, wax caawimaad weyn ahna kama helin Lautaro Martinez.
Wax walba oo Argentina ay sameyneysay waxaa loo marayay kabtanka taasoo Argentina ka dhigtay inay dhan walba ka nuglaato.
2. Taageerayaasha Sacuudiga oo argagax geliyay Argentina
Taageerayaasha waa ciyaaryahanka 12aad ee garoonka, waxaana sidaasi xaqiijiyay jamaahiirta Sacuudiga.
Taageerayaasha Sacuudiga waxay mar walba oo uu kubada taabto ku oorinayeen Lionel Messi, waxayna cod dheer ku argagax gelinayeen mar walba uu koorno tuurayo.
Dabcan ma ahan wax ku cusub isaga madaama koox walba uu wajaho ay sidaas sameyso laakiin ma aheyn sidii uu jeclaa inuu ku bilowdo Koobkiisii Adduunka ee ugu danbeeyay.
Taageerayaasha Sacuudiga ayaana hormuud ka ahaa in xulkooda ay guul soo laabasho taariikhi ah ka gaaraan Argentina.
3. Xariiqda offside-ka
Martinez dabcan goolal wuu ka dhalin doonaa Koobka Adduunka laakiin wuxuu u baahan yahay inuu barto sida la isaga ilaaliyo offside-ka si uu gool u dhaliyo.
Kabtankiisa ayaa sidoo kale gool offisde ahaa laga diiday qeybtii hore iyadoo xiddigaha Argentina ay mar walba ku dhacayeen dabinta offside-ka ee xulka Sacuudiga kuwaasoo kaga jawaab celiyay labo gool oo cajiib ah bilowgii qeybta labaad.
Garoonka Lusail Stadium ayaa kacay markii Saleh Al Shehri uu gool fiican ku barbareeyay ciyaarta ka dibna uu Al Dawsari uu goolka guusha dhaliyay.
Messi eegmo ayaa ka soo hartay iyadoo asxaabtiisa Argentina ay u muuqdeen kuwa ku dhex lumay garoonka.
4. Way u qaadan waayeen in Sacuudiga hogaanka qabtay
Natiijadaan waa mid cajiib ah, waana mid ka mid ah sheekooyin laga sheekeyn doono ee galaya taariikhda Koobka Adduunka.
Sacuudiga ayaa ka soo laabtay gool looga hormaray islamarkaana ku bedelay labo gool, ma aheyn mid ay saadaalinayeen dadka intiisa badan.
Laakiin halkii Argentina ay ka jawaab celin lahaayeen goolka Al Dawsari waxay noqdeen kuwa isku dhex yaacay oo u qaadan waayay in Sacuudiga uu hogaanka u qabtay ciyaarta.