Hay’ada ugu sarreysa kubadda cagta caalamka ee FIFA ayaa la sheegayaa inay isku dayayso inuusan banaanka u bixin muuqaalka laga qabtay daafaca midig ee Morocco ee Achraf Hakimi oo qaab cadho leh ula hadlaya madaxweynaha hay’adaas ee Gianni Infantino.
Morocco oo koob aduunkan wacdarro kasoo dhigtay ayaa xalay laga adkaaday kulankii booska saddexdaad ee tartanka loogu tartamayay kaddib guuldarro 2-1 ah oo kasoo gaadhay Croatia.
Xulka Atlas Lions ayaa ku dooday inay laba rigoore xaq u lahaayeen oo labadaba laga diiday, midkood ayaa ahaa in Josko Gvardiol qaab xoogan xerada ganaaxa dhexdeeda ugu tuuray Hakimi halka midka kale ahaa in weeraryahan Petkovic suxul ku celiyay En-Nesyri oo isku dayayay inuu kubad joog sarre ah madaxa la gaadho.
Garsooraha ree Qatar ee Abdurahman Al Jasim oo kulankaas dhex dhexaadinayay ayaa diiday labadaas go’aan oo lagu daray mid rigoore cad loo arkayay oo ay Morocco qudheedu gashay kaddib markii Sofyan Amrabat uu xerada ganaaxa dhexdeeda ku darbeeyay Gvardiol.
Sida lagu sheegay il-wareedka beIN Sports, Hakimi ayaa kulanka kaddib si weyn ula murmay Infantino oo sugayay inuu biladaha kaalinta saddexaad siiyo Croatia.
Maaha markii ugu horreysay ee ay Morocco cadaalad darro ka tabanayso koobka aduunka balse sidoo kale kulankii afar dhammaadka ee France 2-0 uga adkaadeen ayaa ahaa mid ay qaladaad garsooraka ah ka cawdeen.