Tababaraha kooxda kubadda cagta Barcelona ee Xavi Hernandez ayaa sharciga u jabinaya xiddig ku sugan Camp Nou oo hore khilaaf ugu dhexeeyey kooxda, laakiin hadda uu ka dhigayo mid aas-aasi ah oo uu u diyaarin doono shaqo weyn, isla markaana saari doona masuuliyad culus.
Barcelona ayaa waxay xagaaga lumin doontaa ruug-caddaageeda khadka dhexe ee Sergio Busquets oo sidoo kalena ah kabtanka kooxda, waxaana beddelkiisa ay Barcelona ka raadinaysaa suuqa iibka ciyaartoyda iyo gudaha kooxda intaba.
Xiddigaha khadkaa dhexe ee Ruben Neves oo u ciyaara Wolves, N’Golo Kante oo Chelsea ah iyo Martin Zubimendi oo u ciyaara Real Siciedad ayaa lala xidhiidhinayaa Barcelona oo la sheegayaa in midkood ay ula saxeexan doonaan si uu u galo booska Sergio Busquets.
Hase yeeshee wargeyska Sport ee kasoo baxa Spain ayaa waxa uu maanta qoray in Xavi Hernandez uu jabinayo sharciga kooxda ee ah in booska kubbad-burburiyaha loo raadiyo ciyaartoy booskaas hore uga soo ciyaari jiray oo ay dabiici u tahay in uu booskaas ka dheelo.
Warka ayaa waxa uu intaa ku daray, in Xavi uu doonayo inuu kubbad-burburiye u beddelo xiddiga reer Netherlands ee Frenkie de Jong, isla markaana uu haddaba sii bilaabi doono inuu 25 jirkan u diyaariyo maskax ahaan iyo xeelad ahaanba sidii uu uga dheeli lahaa booska kubbad-burburiyahaa.
Barca ayaa waxay isku dayi doontaa in ay Sergio Busquets ku qanciso inuu sannad ku kordhiyo heshiiskiisa, isla markaana ogolaado inuu inta badan kaydka fadhiyo inta uu booskaas si fiican ula qabsanayo Frenkie de Jong.
De Jong ayaa waxa uu caadiyan ka dheelaa booska No.8 oo ah dhexda hore, balse waxa uu marar badan ka dheelay dhexda difaaca xigta iyadoo la sheegay in qaab-dhismeedka jidhkiisa ee dabacsan ee u ogolaanaya inuu is-tuuro iyo orodkiisu in uu ka ciyaaro booskaas.