Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Lacagta Uu Frank Lampard Magdhowga Uga Qaadanayo Everton Oo Shaqada Ka Eriday

by Abdiwahab Ahmed
January 24, 2023
0
Lacagta Uu Frank Lampard Magdhowga Uga Qaadanayo Everton Oo Shaqada Ka Eriday

Kooxda kubadda cagta Everton ayaa shalay shaqada ka caydhisay tababaraheedii Frank Lampard oo muddo sannad ah xilka hayay, isaga oo bishii January ee sannadkii hore xilka ka dhaxday Rafa Benitez.

ADVERTISEMENT

Lampard ayaa raacay raadka tababareyaal toddoba ahaa oo ay Everton shaqada ka eriday intii uu Moshiri guddoomiyaha ka ahaa oo kasoo bilaabmaysa sannadkii 2016. Waxa ugu horreeyey Roberto Martinez oo ay kusii xigeen Ronald Koeman, Marcelo Silva, Sam Allardyce, Carlo Ancelotti [Isaga ayaa iskaga tegay oo u wareegay Real Madrid], Rafa Benitez iyo ugu dambayntii oo Lampard ah.

Dhamaan tababareyaashan ayaa markii ay Everton shaqada ka eriday waxay siisay lacago magdhow ah oo ah mushaharka sannadihii ugu hadhsanaa heshiisyadooda, balse Carlo Ancelotti ayay ka heleen lacag gaadhaysa £5 milyan oo Gini oo ay siisay Real Madrid markii uu xagaagii sannadkii hore iskaga tegay isaga oo aan dhamaysanin heshiiskiisa.

Everton oo saddexdii sannadood ee ugu dambeeyey diiwaangelinaysay khasaare lacageed oo wadartiisu tahay £372 milyan oo Gini, ayaa waxay hadda diyaarinaysaa magdhow ay siiso Frank Lampard oo ay 18 bilood ka hadhsanaayeen heshiiskii uu u saxeexay bishii January ee sannadkii hore ee 2022.

ADVERTISEMENT

Lampard ayaa la rumaysan yahay in uu toddobaadkii qaadan jiray £75,000 Gini, laakiin uu mar dambe hoos u dhigay oo uu aqbalay in toddobaadkii la siiyo £65,000 Gini, waxaana uu hadda ka doonaya in ay Everton xisaabtiisa bangiga ku shubto mushaharkii uu qaadan lahaa 18ka bilood ee ka  hadhsan heshiiskiisa.

Sidoo Kale Akhri

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

February 7, 2023
DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

February 7, 2023

Wargeyska Liverpool Echo ee kasoo baxa magaalada ay Everton ka dhisan tahay ayaa waxa uu sheegay, in Everton ay magdhow u siin doonto Lampard lacag gaadhaysa £4.7 milyan oo Gini.

Dhinaca kale, Everton ayaa raadinaysa tababare cusub oo u beddela Lampard, waxaana  lala xidhiidhinayaa Marcelino oo laylin jiray Athletic Bilbao, Nuno Espirito Santo oo Wolves iyo Tottenham soo layliyey iyo tababareyaal kale oo qaarkood kooxo kale joogaan waqtigan.

ADVERTISEMENT
Share310Tweet194
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa lagu soo warramayaa in ay shaqaalaysiisay qareen ka difaaca eedaymaha iyo dembiyada lagu soo...

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa gaadhay go'aan lama filaan ah, waxaana shaqada laga eryayaa tababare Carlo Ancelotti oo xilli...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.