Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

19 Ciyaaryahan Oo Halis Ugu Jira In Laga Ganaaxo Semi-finalka Koobka Adduunka

by Saed Mohamed
December 7, 2022
0
19 Ciyaaryahan Oo Halis Ugu Jira In Laga Ganaaxo Semi-finalka Koobka Adduunka

Koobka Adduunka ayaa soo gaaray wareegyadii ugu xiisaha badnaa iyadoo ay isku soo arkeen sideed xul oo waa weyn.

ADVERTISEMENT

Laakiin ciyaartoyda qaar ayay tahay inay digtoonaadaan ama inay halis geliyaan in semi-finalka ka soo daawadaan taribuunka.

Sababtoo ah haddii labo kaadh jaale ah uu ciyaaryahan qaato labo kulan oo kala duwan wuxuu ganaax ku seegayaa hal kulan.

Kaararka hurdiga ama jaalaha waxay noqonayaan waxba kama jiraan marka la gaaro semi-finalka. Kaliya ciyaartoyda semi-finalka casaanka qaata ayaa seegi doona finalka.

ADVERTISEMENT

19 ciyaaryahan ayaa haatan halis ugu jira inay seegaan semi-finalka haddii ay kaadh hurdi ama jaale ah qaataan kulanka wareega sideed dhamaadka.

Sidoo Kale Akhri

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

February 7, 2023
DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

February 7, 2023

Waxaase cajiib ah in midkoodna uusan ku jirin xulka Ingariiska oo aan weli wax calaamad ah qaadanin.

Wadanka jaalaha ugu badan qaba waa Portugal oo u soo gudubtay wareega 8da markii ay 6-1 ku xasuuqeen Switzerland.

Bruno Fernandes, Danilo Pereira, Ruben Neves, Joao Felix, Ruben Dias ayaa dhamaantood hal jaale u jira inay seegaan semi-finalka.

Xulka ay la ciyaarayaan wareega 8da ee Morocco oo ka soo talaabsatay Spain ayaa iyagana waxaa jaale ka qaba seddex ciyaaryahan oo kala ah: Sofyan Amrabat, Abdelhamid Sabiri, iyo Romain Saiss.

ADVERTISEMENT

Ingariiska cid halis uga jirta ma jirto laakiin France oo ay la ciyaarayaan wareega sideed dhamaadka waxaa jaale ka qaba Aurelien Tchouameni iyo Jules Kounde.

Croatia waxaa jaale ka qaba labada xiddig ee Luka Modric iyo Dejan Lovren halka xulka ay la ciyaarayaan ee Brazil ay jaale ka qabaan seddex xiddig oo kala ah Fred, Eder Militao, iyo Bruno Guimaraes.

Kulanka weyn ee Argentina iyo Netherlands, labada xul waxay qabaan ciyaartooy halis ugu jira inay seegaan semi-finalka.

Argentina waxaa jaale ka qaba Gonzalo Montiel iyo Marcos Acuna halka Netherlands ay jaale ka qabaan Nathan Ake iyo Matthijs de Ligt.

Share456Tweet285
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa lagu soo warramayaa in ay shaqaalaysiisay qareen ka difaaca eedaymaha iyo dembiyada lagu soo...

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa gaadhay go'aan lama filaan ah, waxaana shaqada laga eryayaa tababare Carlo Ancelotti oo xilli...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.