Horyaalada kubada cagta Yurub ayaa dib u bilaabanaya todobaadkan iyadoo suuqa kala iibsiga bisha Janaayo uu furmi doono sannadka cusub.
Waxaa la sugayaa in la arko mustaqbalka dhowr xiddig sida Cristiano Ronaldo, Joao Felix, Isco iyo Luis Suarez. Jariirada Marca ayaa soo bandhigtay liiska 15 xiddig oo la filayo inay lala wareego bisha Janaayo.
Cristiano Ronaldo
Xiddigii hore ee Real Madrid oo dhowr maalmood tababar ku qaatay xarunta koxdiisa hore ayaa isha lagu wada hayaa ka dib markii Manchester United ay kansashay qandaraaskiisa bishii la soo dhaafay.
Kooxda Sacuudiga ee Al Nassr ayaa aad ugu dhow inay la wareegto xiddiga reer Portugal. Waxaa la filayaa inuu u saxiixo qandaraas labo sannadood iyo bar ah oo uu sannadkii ku qaadanayo 200 milyan euro.
“Haa, waan jeclaan laheyn inaan Cristiano keeno Sacuudi Areebiya” sidaasi waxaa jariirada Marca u sheegay madaxweynaha xiriirka kubada cagta Sacuudi Yasser Al-Misehal.
Christopher Nkunku (RB Leipzig)
Weeraryahanka RB Leipzig ayaa dhaawac jilibka ah ku seegay Koobkii Adduunka laakiin waxaa la filayaa inuu u wareego Premier League bisha Janaayo iyadoo Chelsea ay hishiis la gaarto xiddiga reer France sida uu sheegay khabiirka suuqa kala iibsiga Fabrizio Romano.
Enzo Fernandez (Benfica)
Xiddiga khadka dhexe ee Argentina ayaa qiimihiisa uu aad sarre ugu kacay ka dib wacdarihii uu ka dhigay Koobka Adduunka. Liverpool ayaa xiiseyneysa ciyaaryahanka halka Real Madrid iyo Man United ay sidoo kale ku soo biireen tartanka saxiixiisa.
Joao Felix (Atletico Madrid)
Sida ay sheegtay Marca, Atletico Madrid ayaa diyaar u ah inay iska fasaxdo xiddiga reer Portugal bisha Janaayo, waxaana loo arkaa inuu Arsenal u bedeli doono weeraryahanka dhaawacan ee Gabriel Jesus.
Isco (Sevilla)
Qandaraaskiisa Sevilla ayaa la kansalay ka dib markii ay isku dhaceen maamulka kooxda, sida Ronaldo ayuu yahay bilaa koox iyadoo lala xiriirinayo kooxda Wolves ee horyaalka Premier League.
Caglar Soyuncu (Leicester City)
Daafaca dhexe ee Turkiga ayaa hishiis la sii gaaray Atletico Madrid, balse waxaa harsan in la arko haddii uu si xor ah ugu biirayo xagaaga ama haddii u wareegayo Janaayo marka ay Atletico hal u hesho Felipe ama Mario Hermoso.
Azzedine Ounahi (Angers)
Ka dib wacdarihii uu ka dhigay Koobka Adduunka, xiddiga rer Morocco waxaa la filayaa inuu ka tago kooxdiisa Angers bisha Janaayo. Leicester City ayaa ku dooneysa 45 milyan euro.
Cody Gakpo (PSV Eindhoven)
Weeraryahanka PSV oo seddex gool ka dhaliyay Koobkii Adduunka ayaa diirada u saaran kooxda Manchester United bisha Janaayo.
Luis Suarez
Weeraryahankii hore ee Atletico Madrid iyo Barcelona ayaa xor ah ka dib markii uu ka tagay kooxda reer Uruguay ee Nacional. Lama filayo inuu ku soo laabto Yurub wuxuuna ku dhow yahay inuu u wareego kooxda reer Brazil ee Gremio.
Matheus Cunha (Atletico Madrid)
Atletico Madrid iyo Wolves ayaa ka hishiiyay saxiixa Cunha iyagoo ku qaadanaya hishiis amaah ah, waxayna koxda Premier League qiyaar u leedahay inay si joogta ah kula wareegto xagaaga.
Mykhailo Mudryk (Shakhtar Donetsk)
Arsenal ayaa xiiseyneysa weeraryahanka Shakhtar Donetsk. “Haddii la i yiraahdo kala dooro inaad boos joogta ah ka hesho Arsenal ama bedel aad ka noqoto Real Madrid, waxaan dooranayaa Arsenal” ayuu yiri Mudryk.
Sofyan Amrabat (Fiorentina)
Madaxweynaha Faransiiska ayaa u magacaabay xiddigii khadka dhex ee ugu fiicnaa Koobka Adduunka. Waxaa si weyn loola xiriirinayaa Liverpool iyo Tottenham.
Khvicha Kvaratskhelia (Napoli)
Weeraryahanka Georgia ayaa sideed gool dhaliyay islamarkaana 10 caawin sameeyay 17 kulan uu ilaa iyo hadda saftay. Kooxo badan ayaa xiiseynaya laakiin Napoli ma dooneyso inay iibiso bisha Janaayo.
Youssoufa Moukoko (Borussia Dortmund)
Dortmund ayaa si adag uga shaqeyneysa inay hishiis cusub ka saxiixdo weeraryahanka Jarmalka si kastaba kooxaha Premier League ugu waa weyn ayaa xiiseynaya xiddigaan.
Josko Gvardiol (RB Leipzig)
Kooxo badan ayaa indhaha ku haya laacibkaan u dhashay Croatia, waxaa tartanka saxiixiisa ku horeeya kooxaha Chelsea iyo Manchester City.