Xiddiga reer Morocco ee Sofyan Amrabat ayaa shaaciyey in uu doonayo inuu sii joogo Manchester United kaddib heshiiskiisa amaahda ee ay kaga soo qaateen Fiorentina xagaagii, waxaana uu isku dayi doonaa inuu la hadlo maamulka Red Devils iyo masuuliyiinta Fiorentina.
Sofyan Amrabat oo uu xilli-ciyaareedkiisii amaahda ahaa ee Manchester United kusoo dhamaaday guushii koobka FA Cup ee Sabtidii oo uu bandhig cajiib ah ka sameeyey, ayaa waxa uu kaliya kusoo bilowday 10 ciyaarood oo horyaalka Premier League ah oo uu boosas kala duwan ka ciyaaray, waxaana saddex ka mid ah kulamadaas uu kusoo bilowday difaaca bidix.
Bandhiggii uu ka sameeyey finalkii FA Cup ayaa dad badan layaab ku noqday, waxaana uu awood u yeeshay inuu xakameeyo xiddigaha khadka dhexe ee City sida De Bruyne, Foden iyo xataa Rodri iyo Silva oo uu u diiday inay wax fursad ah ka helaan agagaarka xerada ganaaxa.
Xataa qoraal lagu baahiyey baraha buslhada oo lagu soo bandhigay googooska wacdarihiisii finalka FA Cup oo cinwaan looga dhigay ‘Sofyan waa Gennaro Gattuso oo waqtigiisii ugu fiicnaa ku jira’, ayaa waxa calaamadda ‘LIKE’ saaray halyeyga Man United ee Paul Scholes oo amaan kula dul-dhacay.
27 jirkan ayaa markii ay ciyaartu dhamaaday waxa uu waraysi siiyey Ziggo Sport, waxaana la weydiiyey mustaqbalkiisa isaga oo ku jawaabay: “Miyaan garanayaa waxa aan samaynayo sannadka dambe? Maya. Waanu ka wada hadli doonaa.
“In aan halkan joogo waxay ka mid tahay dookhyadayda. Waxa uu ahaa xilli-ciyaareed aad u adag, waxayna Manchester United u baahan tahay inay aad uga fiicnaato sidii hore, xataa aniga shaqsiyan.”