Suxufiga caanka ah Anton Mena Ayaa Sheegay In Kylian Mbappé Iyo Vinícius Jr uu khilaaf soo kala dhex galay isbuucyadii ugu dambeeyay.
Sida uu sheegay, labada xiddig ee caalamiga ah waxay muujiyaan walaalnimo been ah oo garoonka dhexdiisa, halka ay isku muujiyaan cadaawad marka ay bannaanka joogaan.
Mena wuxuu u sheegay Cadena SER in xiddiga reer Brazil Vinícius Jr iyo saaxiibkiis Faransiiska ah uu midba midka kale neceb yahay.
Wuxuu intaas ku daray in labada xiddig aysan xitaa isugu dulqaadan karin bannaanka garoonka, taasoo saameyn ku yeelatay qaab ciyaareedka Real Madrid.
Sababt ugu weyn ee khilaafka labada xiddig ayaa ah in midba midka kale uu doonayo in uu yeesho saameyn ka badan kan kale.
Real Madrid ayaa heysata dhibco la siman Barcelona horyaalka LaLiga, iyadoo kooxda reer Catalonia uu hal kulan baaqi u yahay.
Mena wuxuu u sheegay Forbes: “Waxay rabaan inay naga iibiyaan walaalnimo aan jirin. Waxa aan arko, waxay wax u dhimaysaa ciyaarta Madrid. Labaduba isma raadsadaan, mana is-helaan.”
Mbappé wuxuu xagaagii hore ku biiray kooxda caasimadda Spain, waxaana uu ilaa hadda 34 kulan la ciyaaray Vinícius Jr.
Labadooda oo wada shaqaynaya waxay iska kaashadeen shan gool oo kaliya—laba uu dhaliyay xiddiga reer Brazil, iyo saddex uu dhaliyay xiddiga reer France.
Xusuusnow in laacibkii hore ee Marseille, Eric Di Meco, uu horraantii sanadkan ka hadlay xidhiidhka u dhexeeya Kylian Mbappé iyo Vinícius Jr.
Wuxuu sheegay in ay adkaan doonto in xiddiga reer France uu si fudud ugu dhex milmo kooxda Santiago Bernabéu.