Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay isku dayday saxiixa daafaca Nottingham Forest ee Murillo intii lagu jiray suuqii January, laakiin Blues way awoodi wayday in ay heshiis la gaarto xiddiga reer Brazil.
Murillo, oo 22 jir ah, ayaa door muhiim ah ka ciyaaray kooxda Nuno Espirito Santo xilli ciyaareedkan, waana sababta ugu weyn ee ay haatan ugu jiraan kaalinta saddexaad ee kala sarreynta horyaalka Premier League.
Qaab ciyaareedkiisa City Ground ayaa soo jiitay kooxo badan oo waaweyn oo Yurub ah, Chelsea ayaana ah mid ka mid ah kooxaha ugu weyn ee doonayay.
The Telegraph ayaa daaha ka qaaday in Chelsea ay bartilmaameedsaneysay Murillo horaantii Janaayo, laakiin milkiilaha Nottingham Forest Evangelos Marinakis wuxuu diiday inuu tixgeliyo dalabyada soo gaaray daafaca.
Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay diyaarisay dalab 55 milyan ah, laakiin Forest ayaa go’aansatay inay sii haysato xiddiga reer Brazil xilli ay u dagaalamayaan booska tartanka Champions League.
Ka dib markii ay ku guuldareysteen inay heshiis la gaaraan Murillo, Chelsea ayaa u dhaqaaqday ciyaaryahanka khadka dhexe ee Saint-Etienne Mathis Amougou, halka Trevoh Chalobah amaah dib looga soo celiyay Crystal Palace.