June 1, 2024 waxa ay soo afjari doontaa waqtigii Jurgen Klopp ee Liverpool, waxaanay bilaabaysaa waayaha cusub ee Arne Slot ee garoonka Anfield oo uu ku sigayo culays badan oo ah in halbeeg looga dhigayo Klopp oo ay yar yihiin tababareyaasha tayadiisa oo kale leh.
Slot oo hadda ah tababaraha Feyenoord ayaa usbuuc ka hor sii shaaciyey inuu noqonayo tababaraha Liverpool, xataa iyadoo aanay kooxdu si rasmi ah ugu dhawaaqin, waxaana la sheegay in durba uu sii bilaabay shaqadiisa Liverpool oo uu qiimaynta ciyaartoyda iyo meelaha ay kooxdu ka liigayso uu daraasaynayo, si suuqa iibka ciyaartoyda uu iskaga daboolo meelaha bannaan.
Joel Matip iyo Thiago Alcantara ayaa iyagu banneeyey boosaskooda oo ka tegay, waxaana Arne Slot uu la fadhiisan doonaa Michael Edwards iyo Richard Hughes si khadka dhexe iyo difaacaba loo xoojiyo, iyaga oo isla meel-dhigi doona ciyaartoyda ay la saxeexanayaan. Sidoo kale weerarka ayaa la sheegay in kooxdu ay saxeexyo cusub kusoo kordhin doonto.
Waqtigii Jurgen Klopp, waxa ay Liverpool ku dheeli jirtay qaab ah 4-3-3, laakiin Arne Slot waxa ay falsafaddiisu ku sallaysan tahay khadka dhexe oo laba-burburiye ah, weerar dhexe oo qof kaliya ah, laba garab iyo kubbad-sameeye, taas oo ka dhigan in afar ciyaartoy ay weerarka ka shaqayanayaan.
Slot oo ay da’diisu tahay 45 jir, waxa sugaysa shaqo adag oo kael oo ah inuu ku qaciyo ciyaartoyda qandaraasyadooda sannadku ka hadhsan yahay ee Trent Alexander-Arnold, Virgil van Dijk iyo Mohamed Salah inay heshiisyo cusub saxeexaan.
Taageereyaasha Liverpool ayaa is-weydiinaya sida ay noqon doonta shaxda kooxdooda ee xilli-ciyaareedka dambe, sidoo kalena waxa ku taagan su’aasha ah haddii ay kooxdoodu awoodi doonto inay la tartanto Machester City iyo Arsenal.
Wargeyska Daily Mirror ayaa ka jawaabay su’aasha taageereyaasha Liverpool, waxaana uu sheegay in Alisson Becker uu booskiisa sii xajisan doono balse difaaca midig ay Liverpool la saxeexan doonto Lutsharel Geertruida, taasina keeni doonto in khadka dhexe loo raro Alexander-Arnold oo si rasmi ah looga kaxayn doono difaaca.
Andy Robertson ayaa sidoo kale xajisan doona booskiisa difaaca bidix, iyadoo Virgil van Dijk uu difaaca dhexe kala ciyaari doono Jarell Quansah oo 12kii bilood ee u dambeeyey muujiyey inuu leeyahay tayadii uu ku noqon lahaa difaaca dhexe ee rasmiga ah ee Liverpool, halka Joe Gomez uu kursiga kaydka miciinsan doono.
Arne Slot waxa uu aad iskugu hallayn doonaa ciyaartoyda da’yarta ah oo lagu amrayo inuu barbaariyo, siiba kuwii uu Jurgen Klopp ciyaarsiiyey fasalkan dhamaaday.
Khadka dhexe ayaa waxa Liverpool ay kusoo kordhin doontaa Teun Koopmeiners oo ka garab ciyaari doona Alexander-Arnold, waxaana ay Reds ogolaan doontaa inay Real Madrid ka iibiso Alexis Mac Allister haddii dalab macquul ah ay kooxda reer Spain usoo bandhigto.
Dominik Szoboszlai oo xagaagii ay Liverpool kasoo iibsatay RB Leipzig, ayaa waxa uu dib ugu soo laaban doonaa booskiisa dabiiciga ah ee No.10, si uu darbadihiisa xooggan ugu toogto shabaqa, waxaase kaydka u dhici doona Harvey Elliott oo beddel ku iman doona.
Weerarka dhexe waxa uu Arne Slot jecel yahay ciyaartoyda goolasha badan dhalin kara, waxaanay taasi dhibaato ku noqon doontaa Darwin Nunez iyo Cody Gakpo oo uu ka doorbidi doono Diogo Jota, inkasta oo isku beddel uu iman doono.
Labada garab ayaa waxa yeelan doona Luis Diaz iyo Mohamed Salah.
Waatan shaxda ay Liverpool ku dheeli doonto xilli-ciyaareedka dambe: