Arsenal ayaa fursad wanaagsan u lahayd in ay la soo saxiixato Ollie Watkins oo ka tirsan Aston Villa haddii Al Nassr ay hirgelin lahayd qorshahooda ah inay Victor Boniface kala soo saxiixdaan Bayer Leverkusen suuqa kala iibsiga ee Janaayo.
Gunners ayaa ku guuldareysatay in ay ciyaaryahan cusub ku xoojiyaan kooxda Kadib markii Bukayo Saka iyo Gabriel Jesus ay soo gaareen dhaawacyo culus. macallin Mikel Arteta ayaa doonayay in uu soo xero geliyo weeraryahan cusub.
Sida laga soo xigtay The Athletic, inkasta oo ay jireen wadahadallo dhexmaray labada kooxood oo ku saabsan suurtogalnimada heshiiska Watkins, ugu dambeyntii waxba kama soo bixin.
Fursadda saxiixa Watkins ayaa markii ugu horeysay la shaaciyay kadib markii labada kooxood ay wada ciyaareen Premier League, taasoo dhacday Janaayo 18. Villa ayaa doonaysay in ay iibiso mid ka mid ah Watkins ama Jhon Duran suuqa janaayo. Tababare Unai Emery ayaa ku dhibtooday in uu labada weeraryahan siiyo fursado joogto ah.
Emery ayaa diyaar u ahaa in uu mid ka mid ah ciyaartoydaas uu iibiyo si uu u fududeeyo dhibaatooyinka miisaaniyadda Villa. Villa ayaa horey u waday wada-hadallo ay la yeesheen Al Nassr si ay Duran ugu iibiso, balse waxay diyaar u ahaayeen in ay Arsenal ka iibiyaan Watkins qiimo dhan £60m.
Watkins, oo ah taageere Arsenal ah tan iyo yaraantiisii, ayaa aad ugu farxay fursadda uu uu ugu ciyaari lahaa kooxda ka dhisan waqooyiga London.
Janaayo 27, Arsenal ayaa gudbisay dalab af billow ah oo dhan £40m, kaas oo isla markiiba la diiday. Arsenal ayaa qorsheyneysay inay mar kale dalab gudbiyaan, laakiin markii Al Nassr ay go’aan ku gaartay in ay heshiis la gaaraan Duran halkii ay Boniface ka heli lahaayeen, saxiixa Watkins ayaa si kedis ah uga baxay meesha maadaama Villa ay heshay miisaaniyad ku filan.
Arteta hadda waxa uu ku qasban yahay in uu ku tiirsanaado Kai Havertz oo kaliya ah weerarka la heli karo inta lagu jiro xilli ciyaareedkan, iyadoo Leandro Trossard uu sidoo kale booskaas ciyaari karo. Si kastaba, iyadoo Saka uu weli muddo dheer maqnaan doono, arrintan ayaa si xun u saameyn doonta awoodda Arsenal ee dhinacyada weerarka.