Jude Bellingham ayaa sheegay in isfahan la’aan ay ka dhex dhacday isaga iyo garsoore José Luis Munuera kaddib markii casaan loo taagay kulankii Real Madrid ay la ciyaartay Osasuna Sabtidii.
Munuera ayaa kubbad-sameeyaha England siiyay kaadhka cas daqiiqadii 40-aad, kadib markii uu u muuqday inuu ka cabanayo go’aan uu garsooruhu qaatay.
Bellingham ayaa wariyeyaasha u sheegay inuu rumeysan yahay in garsooruhu si qaldan u fahmay hadalladii la is dhaafsaday.
“Waa iska cadahay inuu khalad sameeyay, waxay ahayd isfahan darro,” ayuu yiri Bellingham kadib ciyaarta.
“Waxaan rabaa kooxda inay ogaato in aanan si mas’uuliyad-darro ah oo ula kac ah u sameyn falkaan, waxaan ka xumahay iney kooxda ku dhammeysato keliya toban ciyaartooy.”
“Waxaan rajeynayaa in muuqaalka la eegi doono oo la arki doono in waxa la baahiyay aysan ahayn wixii dhacay, isla markaana mustaqbalka taas la tixgelin doono sababtoo ah waa caddeyn weyn. Ma beddeli karno natiijada ciyaartan, laakiin waxaan rajeynayaa in waxa soo socdo wax laga baddali doono.”