BBC Sport ayaa shaacisay Kooxda Todobaadka ee Premier League ee uu doortay Troy Deeney, taasoo muujinaysa ciyaartoydii ugu waxqabadka fiicnaa kulamadii ugu dambeeyay.
Shaxdan ayaa ah mid isku dheellitiran oo leh difaac adag, khad dhexe oo hal-abuur leh, iyo weeraryahanno qaab ciyaareed sarreeya kusoo bandhigay kooxahooda. Kepa ayaa loo doortay goolhayaha todobaadka kaddib bandhig adag, halka Virgil van Dijk iyo James Tarkowski ay hogaaminayaan daafaca.
Khadka dhexe waxaa hoggaaminaya Kevin De Bruyne oo keenaya hal-abuurnimo iyo xasillooni, iyadoo weerarka uu Joao Pedro hogaaminayo isagoo qeyb ka ah seddexda weerar ee halista ah ee lasoo qaatay.
Xulashada Deeney waxay ka tarjumaysaa kaliya maahan tirakoobka ciyaartoyda, balse sidoo kale saameynta guud ee ay ku yeesheen kooxahooda kulamadii toddobaadkan.
Shaxda Todobaadke Ee Premier League