RUBEN AMORIM ayaa laga yaabaa inuu qabto shaqada kooxda Manchester United oo laga ceyriyay Erik Ten Hag.
Tababaraha reer Portugal ayaa si aad ah loola xiriirinayaa inuu qabto shaqada Old Trafford sida ay inta ugu badan baahinayaan maanta saxaafada England.
Ten Hag ma uusan fileyn in sidaan uu kusoo dhamaan doono waayihiisa Man Utd, mana jiro qorshe kooxdu diyaarisay ka hor kulanka Carabao Cup ee ay Talaadada caawa ah wajahayaan kooxda Leicester.
Ruud van Nistelrooy oo ahaa caawiyihii Ten Hag ayaa hogaamin doona kooxda inta la magcaabayo tababare cusub.
Amorim, oo 39 jir ah, ayaa ah musharaxa ugu horreeya ee uu shaqada u soo bandhigay Sir Jim Ratcliffe kadib ceyrintii Ten Hag, waxaana laga yaabaa in si degdeg ah loo magacaabo.
Tababaraha Sporting Lisbon waxaa kaga soo horeeya Man Utd xiddig uu aad u garanayo kaasoo ah saxiixa cusub ee Man Utd Manuel Ugarte.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa u ciyaaray kooxda Amorim ka hor inta uusan ka tagin Sporting kuna biirin Paris Saint-Germain 2023.
Laacibka reer Uruguay ayaa la filayaa in la siiyo door hogaamineed oo khadka dhexe.madaama kalsooni badan uu ka heysto tababarihiisii hore.
Amorim ayaa isticmaala inta badan shaxda 3-4-3 waqtigiisa Sporting Lisbon, waxaana la filayaa inuu shaxdaas ka dhaqan galiyo Man Utd.
Gyokeres ayuu sidookale u qaadan doonaa doorka weerarka tababaraha cusub ee Red Devils, isagoo meesha ka saari doona Hojlund iyo Zirkzee.
Weeraryahanka Swedishka ah ayaa ka mid ah kuwa ugu goolasha badan Yurub, isagoo dhaliyay 57 gool 64 kulan oo uu u saftay Sporting.
inuu ku biiro Man Utd weeraryahanka Sporting waxaa ka caawin kara tababare Amorim oo ay hadda ku wada shaqeeyaan kooxda reer Portugal.
Shaxdaan ayuu isticmaali karaa