Kooxda Liverpool ayaa maanta garoonkeeda ku soo dhoweyn doonta Ipswich Town kulan ka tirsan horyaalka Premier League, iyadoo Reds ay heysato rikoor cajiib ah oo garoonkooda ah xilli ciyaareedkan.
Ipswich Town ayaa kulanka soo galeysa iyagoo todobaadkii hore la kulmay guuldaradii ugu weynayd ee Premier League xilli ciyaareedkan, taasoo niyadjab weyn ku keentay kooxda.
Dhanka kale, Liverpool ayaa ku kalsoon inay sii dheereysan karto rikoodhka guulaha garoonkeeda, maadaama ay si fiican u soo bandhigeen ciyaaro qurux badan xilli ciyaareedkan.
Kooxda uu maamulo Arne Slot, oo haatan hoggaanka u heysa miiska kala sarreynta Premier League, ayaa sidoo kale dooneysa inay sii xoojiso hoggaanka horyaalka, si ay u adkeystaan booska ugu sareeya.
Shaxda macquulka ah ee Liverpool
Alisson; Alexander-Arnold, Quansah, Van Dijk, Robertson; Gravenberch, Mac Allister; Salah, Szoboszlai, Gakpo; Diaz