Kooxda Arsenal ayaa wajahaysa walaac dhaawac oo ku saabsan daafacyada Myles Lewis-Skelly iyo William Saliba kulanka ay maanta la ciyaarayaan Wolves.
William Saliba ayaa ka maqnaa labadii kulan ee ugu dambeeyay Arsenal sababo la xiriira dhaawac, halka Myles Lewis-Skelly uu seegay kulankii Arbacadii ee ay la yeesheen Dinamo Zagreb sababo dhaawac jilibka ah .
Tababaraha Arsenal, Mikel Arteta, ayaa shir jaraa’id ku xaqiijiyay in dhaawacyada labadan ciyaaryahan aysan ahayn kuwo halis ah, isagoo xusay in suurtagal tahay inay ka mid noqdaan kooxdiisa kulanka Wolves.
Si kastaba ha ahaatee, haddii Saliba uu sii maqnaado, Arteta ayaa la tacaalaya dhibaato xulasho oo ku saabsan cida uu ka garab ciyaarsiin doono Gabriel difaaca dhexe.
Shaxda Macquulka ah ee Arsenal
Raya; Partey, Timber, Gabriel, Zinchenko; Odegaard, Rice, Merino; Martinelli, Havertz, Trossard