Marcus Rashford iyo Rasmus Hojlund ayaa Manchester United laba gool ku dhaliyay Portugal laakiin kooxda reer Portugal ayaa lasoo baxay qaab ciyaareed fiican, iyadoo uu Samu Omorodion laba gool ka dhaliyay.
Harry Maguire ayaa kubad qurux badan oo madax ah udhaliyay xilli danbe si uu dhibic uga badbaadiyo Red Devils.
Bruno Fernandes ayaa kaadhkiisii labaad ee hurdiga ah loo taagay wakhti danbe waana laga saaray ciyaarta.
Erik ten Hag ayaa ku qasbanaa in uu kulankan guul ka gaadho Porto laakiin iyaga ayaaba ku sigtay in laga badiyo.
Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa shan waxyaabood oo aan ka baranay kulankii UEFA Europa League.
Marcus Rashford ayaa wacdaro dhigay inkastoo waqtigii nasashada la bedelay.
Rashford ayaa hubaal ahaa in uu ku sii jiro ciyaartan iyada oo xiddiga reer England uu doonayay in uu ku jiro qaab ciyaareed heer sare ah waxana uu xaqiiqdii muujiyay taas wakhti hore.
Iyadoo Rashford uu ka ciyaarayay booskii uu jecel yahay ee dhanka bidix, ninka Ingariiska ah ayaa si xamaasad leh cagahiisa ku jiiday kubbada, ka dibna darbo fudud ayuu la tiigsaday goolka kaaso si dhib yar ku dhaaftay goolhaye Costa.
Waxa ay ahayd wax lala yaabo in Rashford la bedelay waqtigii nasashada taasoo soo jeedinaysa in ciyaaryahanka reer England uu la tacaalayo dhibaato dhaawac.
Rasmus Hojlund wuxuu helay qaab ciyaareedkiisa.
Joshua Zirkzee ayaa ahaa weeraryahankii ugu muhiimsanaa ee Red Devils ee daboolayay maqnaashiyihii Hojlund, laakiin weeraryahanka Danishka ayaa lagu soo bilaabay Estadio De Dragao.
Hojlund ayaa shabaqa taabtay ka dib markii uu caawinad ka helay Rashford.
Zirkzee ayaa kaliya hal gool u dhaliyay Red Devils tartamada oo dhan, Hojlund ayaana rajeynaya inuu dib ugu guuleysto booskiisa weerarka.
Halgankii difaaca ee United ayaa mar kale hoos u dhacay.
Samu Omorodion ayaa ahaa ninka lahaa sababta dhibaatooyinka United, cabsidiisana si fudud ayaa loo ogaaday.
Matthijs De Ligt iyo Lisandro Martinez ayaa ku guul dareystay inay celiyan Samu kaas oo FC Porto ku soo iibsatay 14 milyan oo gini inkasta oo lala xidhiidhiyay in uu Premier League ugu wareegayo saddex laab qiimahaas.
karoos lagu soo tuuray diilinta ganaaxa, difaaca United ayaan wax jawaab ah u haynin, waxaana si fudud kubads madaxa ula helay Samu.
Waxa ay ahayd kulan Ten Hag inuu isku muujiyo balse weli dhibaato ayuu dareemaya.
Matthijs De Ligt iyo Lisandro Martinez ayaa mar kale fashilmay.
Wadashaqeynta De Ligt iyo Martinez weli ma muuqato ololahan 2024/25.
De Ligt ayaa United ugu soo biiray xagaagii 38 milyan oo Gini waxana uu u muuqday in uu yahay xalkaka daafaca ee ay kooxdu raadinaysay.
Si kastaba ha ahaatee, De Ligt ayaa ku dhibtooday la qabsiga kooxda.
Paul Scholes ayaa walaac ka qaba De Ligt, waxaana hubaal ah inuusan la dhacsanayn ilaa hadda.
Dhanka Martinez, bilawga ololahan Argentineska ayaa ka muuqda quus.
Dhibaatooyinka dhaawaca Martinez ayaa aad usoo laab laabtay , laakiin daaficii hore ee Ajax ayaa u muuqda mid kalsoonidii ka dhamaatay.
Waqtigu wuu ku socda Ten Hag.
Guuldaradii United ee 3-0 ka soo gaartay Tottenham ayaa ahayd mid aad u xun laakiin barbarihii Porto ayaa noqon karta mid shaqadiisa badbaadinaysa.
Tani waxay ahayd markii 24-aad ee laga dhaliyo United saddex gool iyo wax ka badan intii uu joogay tababaraha reer Holland tan iyo markii uu kooxda ku soo biiray 2022. Wax walba waa inay isbedelaan.