Sergio Ramos ayaa wadahadalo horumar leh ugu jira inuu u wareego horyaalka Mareykanka ee MLS xagaagan sida ay wararku sheegayaan.
Halyeeyga Real Madrid oo 38 sanno jir ah ayaa xagaagii la soo dhaafay ku laabtay kooxdiisa hore ee Sevilla ka dib labo sannadood uu ku qatay PSG.
Wuxuu ciyaaray 34 kulan xilli ciyaareedkan isagoo dhaliyay todoba gool, laakiin Sevilla ayaa xaalad xun ku jirta iyagoo ku jira booska 12aad ee horyaalka La Liga.
Ramos ayaa kaliya hishiis hal sanno ah u saxiixay Sevilla kaasoo dhacaya dhamaadka xilli ciyaareedkan lamana filayo in loo cusbooneysiiyo.
Haatan sida ay shaacisay The Athletic, Sergio Ramos wuxuu wadahadal kula jiraa kooxda San Diego FC oo magac kaliya ah.
The Athletic ayaa sheegeysa inaan weli hishiis la gaarin balse wadahadalada ay marayaan meel fiican, laakiin San Diego FC ma ahan koox ciyaarta haatan oo dhismaheeda ayaa haatan socda.
Waxay kooxdaan qeyb ka noqon doontaa horyaalka MLS laga bilaabo sannadka soo socda.
Ramos waa mid ka mid ah daafacyada ugu guulaha badan taariikhda kubada cagta.
Wuxuu ku guuleystay shan La Liga, labo Copa del Rey iyo afar Champions League.
Wuxuu sidoo kale labo horyaal la qaaday Paris Saint-Germain.
Dhanka ciyaaraha caalamiga waxa uu labo jeer oo isku xigta ku guuleystay Koobka Qaramada Yurub iyo Koobkii Adduunka ee 2010.