Manchester United ayaa heshay war wanaagsan iyadoo ay u soo laabteen seddex ciyaaryahan ka hor kulanka Sabtida ee finalka Fa Cup.
Ciyaartoyda kala ah Mason Mount, Anthony Martial iyo Victor Lindelof ayaa dhamaantood ka qeyb qaatay tababarkii shalay oo Arbaco aheyd.
Mount ayaa seegay seddexdii kulan ee ugu danbeysay xilli ciyaareedkan, wuxuuna ku soo bilowday kaliya sideed kulan tan iyo markii uu 60 milyan ginni uga soo wareegay Chelsea, laakiin waxa uu ku soo bilaaban karaa kulanka Manchester City ee Wembley.
Martial ayaan la arkin tan iyo horaantii bishii December isagoo maray qaliin gumaarka ah bishii Janaayo, taasoo ka dhigan inuu todoba jeer kaliya ku soo bilowday shaxda xilli ciyaareedka.
Xiddiga reer France ayaa si xor ah uga tagaya Old Trafford xagaagan ka dib sagaal sannadood uu kooxda joogay, ka dib markii ay United go’aansatay inaysan dhaqangelinin qodob dhigaya inay qandaraaskiisa ku kordhin karto 12 bilood kale.
Victor Lindelof oo isna aan la hubin mustaqbalkiisa United ayaa seegay 10kii kulan ee ay ugu danbeysay ka dib dhaawac muruqa bowdada ka soo gaaray kulankii Brentford ee dhamaadkii bishii March.
Warkaan ayaa niyad dhis weyn u ah tababare Ten Hag ka dib markii tababaraha Man United uu sidoo kale dib u soo dhaweeyay xiddigihii dhaawacyada ku maqnaa ee Lisandro Martinez iyo Raphael Varane kulamadii ugu danbeeyay.
Ten Hag ayaa weli rajo ka qaba in Harry Maguire uu taam u noqdo kulanka Wembley, taasoo la micno noqoneysa in dhamaan shantiisa daafac dhexe ay diyaar u noqon karaa kulanka finalka FA Cup.