Waxaa Magaalada Munich Caawa ku kulmaya Weerarka ugu fiican Euro2024 iyo difaaca ugu fiican Euro2024.
Taariikhdu waxay sheegaysaa mar kasta oo ay Spain iyo France iskaga horyimaadaan ciyaar ka tirsan Euro, in kii ku guulaysta uu koobka qaadi jiray.
Ma dhici doontaa mar kale?
Euro 2024 ayaa la daawan doona markale iyo kulan kale oo xiiso leh iyadoo Spain iyo France ay isku haleeli doonaan Munich, kii guuleysta ayaana tagi doona finalka.
Kulankan wuxuu ka dhigan yahay inay kulmayaan xul daafaceedu uu fiican yahay iyo xul uu weerarkeedu fiican yahay.
Spain ayaa dhalisay 11 gool, waana in ka badan xul kasta oo kale, halka France laga dhaliyay hal gool shan kulan oo ay ciyaareen.
Taas macnaheedu waa in France uu ku fiican yahay daafaca iyo Spain inuu ku fiican yahay weerarka.
Isbaanishka waa kuwa ugu cadcad tartankan, maadaama ay garaaceen koox kasta oo ka hor timid.
Waxa ay ku dhameysteen kaalinta 1-aad ee Group-ka dhimashada oo ay ku jireen Italy iyo Croatia ka dibna 2-1 ayee ku garaaceen Germany wareegii ugu dambeeyay ee quarter-final-ka.
Faransiiska masoo bandhigin ciyaar lagu qanci karo.
Waxa ay ku guuldareysteen in ay dhaliyaan hal gool oo furan ciyaaraha tartanka oo dhan, iyagoo wareega 16-ka ka badiyay Belgium, wuxuuna ahaa gool Vertonghen uu isoa dhaliyay, ka dibna waxay rigooreyaal lama filaan ah uga soo gudbeen Portugal.
Xulalka France-Spain ayaa had iyo jeer ahaa kuwo muhiim u ah taariikhda Euro.
Mar kasta oo ay labada kooxood isku dhacaan,waxaa koobka qaadi jiray xulka guuleysta.
Waxay dhacday 1984kii France ayaa badisay.
Sanadkii 2000 France ayee guusha raacday
Iyo 2012 oo ay Spain qaaday.
Isku soo wada duuboo, France ayaa rekoodh fiican ka haysta tartamada waaweyn ee uu ka mid yahay koobka aduunka, waxayna saddex guul ka gaadheen hal kulan iyo barbaro.
Haddii Spain ay garaacdo France, waxay sidoo kale noqon doontaa xulkii ugu horeeyay ee lix kulan oo xiriir ah guuleysata hal tartan oo Euro ah.
Dhankooda, France, marka ay garaacaan Isbaanishka, waxay higsan karaan horyaalkoodii seddexaad ee Yurub, si ay u noqdaan qaranka guusha ugu badan la wadaaga Spain iyo Germany.
Bro koogii afraad dhe lkn maba dhacayso ka wrn France yaa iska kale euro allez les blues