RASMI: Manchester United ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday saxeexyada saddexda ciyaartoy ee Hannibal Mejbri, Aaron Wan-Bissaka iyo Victor Lindelof oo ay min hal sano ku kordhisay heshiisyadooda, waxaanay ka faa’iidaysatay qandaraaskoodii hore oo fursaddan siinayay United. Erik ten Hag oo saxaafadda la hadlay ayaa xaqiijiyey in ay saddexdan ciyaartoy min hal sano ku kordhiyeen qandaraasyadooda.
RASMI: Kooxda horyaalka Maraykanka ee Orlando City ayaa ku dhawaaqday in ay si buuxda ula wareegtay khadka dhexe ee ruug-caddaaga ah ee Nicolas Lodeiro oo ay ka saxeexday heshiis sannad ah oo uu wehelinayo sannad kale oo dookh ah.
Erik ten Hag ayaa saxaafadda u sheegay in markii ay kulmeen Sir Jim Ratcliffe in ay u muuqatay in uu maalqabeenkan reer UK uu bog cusub u furi doono kooxda, isla markaana ay guulo gaadhi doonaan mustaqbalka dhow.
Arsenal waxay wada-hadallo kula jirtaa Nantes si ay u burburiyaan heshiiskii amaahda ahaa ee ay kooxda reer France ugu direen weeraryahanka Brazil ee Marquinhos, kaas oo 149 daqiiqadood oo kaliya la ciyaarsiiyey illaa hadda.
Brentford waxay u sheegtay Arsenal, in ay diyaar u yihiin in ay ka iibsio weeraryahanka reer England ee Ivan Toney, laakiin waa in ay Gunners bixiso £100 milyan oo Gini. Gunners ayaase waxa ay tartan kala kulmaysaa Chelsea oo doonaysa inay iibiso Ian Maatsen, Conor Gallagher iyo Trevoh Chalobah si ay u hesho lacagta ay Brentford ku xidhay Ivan Toney.
Heshiis dhan: Kooxda Carlisle United ayaa ku dhawaaqday heshiiska Luke Armstrong oo ay kala soo wareegtay Harrogate Town. 27 jirkan ayaa u saxeexay heshiis saddex sannadood iyo badh ah.
Steven Gerrard ayaa halis ugu jira in shaqada laga caydhiyo, waxaana go’aan ka gaadhaya masuuliyiinta kooxdaSucuudiga ee Al-Ettifaq. 43 jirkan ayaa bishii July loo magacaabay Al-Ettifaq, isaga oo la saxeexday xiddigo waaweyn sida Jordan Henderson, Moussa Dembele, Georginio Wijnaldum iyo Demarai, laakiin 21 ciyaarood oo ay dheeleen dhamaan tartamada ayay toddoba mar oo kaliya badiyeen, iyadoo guushoodii ugu dambaysayna laba bilood laga joogo.
Brentford ayaa la saxeexatay da’yarka reer Turkey ee Yunus Emre Konak oo ay kala soo wareegtay kooxda Sivasspor ee waddanka Tukey. 18 jirkan ayaa 17 ciyaarood u safay kooxdiisa Sivasspor xilli-ciyaareedkan.
Conor Gallagher ayaa go’aansaday in uu sii joogo kooxda Chelsea oo uu u dagaallamo booskiisa, inkasta oo si weyn loola xidhiidhinayo Tottenham Hortspur suuqa iibka ciyaartoyda ee bishan January.
Chelsea ayaa loo sheegay in aanay la saxeexan karaynin mishiinka goolasha kooxda reer Spain ee Girona ee Artem Dovbyk oo u dhashay waddanka Ukraine, sababtoo ah waxa uu hore ugu soo kala gudbay labada kooxood ee Dnipro-1 iyo Girona. Sharciga FIFA ayaa dhigaya in aan hal ciyaartoy loo diiwaangelin karin saddex kooxood oo kala duwan hal xilli-ciyaareed gudihii.
Mohamed Salah ayaa ogolaaday inuu heshiis cusub u saxeexo kooxdiisa Liverpool, waxaanu qorshuhu yahay inuu sannad ku kordhiyo qandaraaskiisa hadda ee dhacaya dhamaadka xilli-ciyaareedka. Warkan ayaa imanaysa iyadoo si weyn loola xidhiidhinayo horyaalka Sucuudiga.
Xiddiga reer England ee Jadon Sancho ayaa dib ugu laabanaya kooxdiisii hore ee Borussia Dortmund oo amaah kaga qaadanaysa Manchester United maalmaha soo socda. Dhinacyada ayaa doonaya inay si degdeg ah u dhamaystiraan heshiiska.
Barcelona oo uu hunguri ka galay xiddiga reer France ee Kylian Mbappe ayaa loo sheegay in aanay awoodi karaynin in ay xataa bilaash kula saxeexdaan Mbappe bisha June, sababtoo ah ma awoodi karayaan inay bixiyaan mushaharkiisa oo xad-dhaaf ah.
Chelsea waxay ogolaatay inuu iska tago difaaca reer Brazil ee Thiago Silva dhamaadka xilli-ciyaareedkan, waxaana uu dib ugu laaban doonaa kooxdiisii hore ee Fluminense.