Sanduuqa Maalgelinta Dadweynaha ee Sacuudi Carabiya ayaa la sheegay inuu bixin doono €1bilyan muddo shan sano ah si ay u helaan xiddiga reer Brazil ee Vinicius Jr.
Madaxda Saudi Pro League ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u yihiin inay siiyaan xiddiga Brazil Vinicius Junior 1 bilyan oo Yuuro si ay uga soo jiidaan Real Madrid.
Vinicius wuxuu ahaa ciyaaryahan Madrid ah lix xilli ciyaareed, tan iyo markii uu kaga soo biiray Flamengo 2018kii.
24-sano jirkaan ayaa u dhaliyay Los Blancos 83 gool 264 kulan oo uu u saftay, waxaana uu kula guuleystay 12 koob oo ay ku jiraan labo koob oo UEFA Champions League ah.
Soo jeedin ka timid Sanduuqa Maalgelinta Dadweynaha ee Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in ay doonayan Vinicius si uu ugu biiro Al-Ahli.
Dalabka ayaa la sheegay in uu qiimihiisu yahay €1bilyan muddo shan sano ah iyada oo la soo jeediyay in mushaharka sannadlaha ah uu 13 jeer ka badan yahay midka hadda uu ka qaato Bernabeu.
Waxa kale oo la sheegay in Vinicius la siin doono xoriyad uu ku go’aansado in uu doonayo in uu Sucuudiga sii joogo iyo in kale inta uu dhan yahay heshiiskiisa.
Cristiano Ronaldo ayaa hadda ah ciyaaryahanka ugu mushaarka badan Sacuudiga iyo kubbada cagta adduunka , iyadoo Al Nassr, oo sidoo kale ay leedahay PIF, ay siiso lacag dhan €200 Milyan sanadkii.
Si kastaba ha ahaatee, qandaraaska Ronaldo ma aha mid aad u dheer.
Vinicius waxa uu kooxdiisa haatan kula jiraa heshiis saddex sano oo kale ah, sidaas darteed Al-Ahli waxay u baahnaan doontaa in ay heshiis la gaadho Madrid iyo waliba xiddiga.
Taasi waxay u badan tahay inay labanlaaban doonto qiimaha guud iyadoo warbixintu ay sheegayso in Madrid ay dalban doonto lacag dhan €1bilyan.
Wareejinta ugu wayn ee kubbada cagta aduunka ilaa hadda wuxuu ahaa kii Neymar oo 222 milyan oo euro uga soo dhaqaaqay Barcelona kuna biiray Paris Saint-Germain sanadkii 2017kii.
Dhanka kale kooxda Al-Ahli ee haatan waxaa joogo Riyad Mahrez, Edouard Mendy, Franck Kessie iyo Roberto Firmino.
Al-Hilal ayaa ku guuleystay horyaalka Saudi Pro League xilli ciyaareedkii hore ka dib markii aan laga badinin 34-kii kulan ee ay ciyaareen.
Neymar kaliya wuxuu ciyaaray seddex ka mid ah ciyaarahaas sababtoo ah dhaawac Xun ayaa gaaray.