Manchester City ayaa la kulantay guuldarradii afaraad oo xiriir ah tartamada oo dhan iyo tii labaad oo isku xigta Premier League kadib markii ay 2-1 kaga badiyeen Brighton.
City oo hogaanka u heysay ciyaarta ilaa 10kii daqiiqo ee ugu dambeeyay, waxaa laga dhaliyay laba gool deg deg ah, taasoo keentay in rajadoodii horyaalka hoos u dhacday markale.
Saddex waxyaabood ayaan ka baranay Man City kadib guuldarrada soo gaartay caawa
1.Awooda gooldhalin Haaland
Xiddiga Manchester City Erling Haaland ayaa sii wada inuu dhaliyo goolashiisii aan kala joogsiga laheyn ee kooxda Pep Guardiola ka dib markii uu dhaliyay goolka furitaanka kulanka Brighton kula ciyaareyso kooxdiisa Amex.
Mashiinka goolasha reer Norway ayaa gool u bedelay kubad uu markii hore ka badbaadiyay goolhayr Bart Verbruggen isagoo dhaliyay goolkiisii 12aad kaliya 11 kulan oo Premier League ah xilli ciyaareedkan.
kooxda heysata horyaalka ayaa dooneysa inay cadaadis saarto kooxda ay xafiiltamaan ee Liverpool oo Aston Villa kulan adag la balansan caawa
Laakiin Haaland ayaa CV-giisa cajiibka ah ee gooldhalinta iska sii wata isagoo rikooro aan hore loo arag sameynaya.
Gooldhaliyihii hore ee Borussia Dortmund ayaa haatan noqday ciyaaryahankii ugu dhaqsaha badnaa ee gaara 75 gool oo Premier League ah taariikhda horyaalka England, isagoo u baahday kaliya 77 kulan si uu rikoorkaas u sameeyo.
2. Kalsooni la,aanta Guardiola Maxaa keenay?
Ciyaarta waxaa laga bartay inuu guardiola wali heysan kalsoonidii uu qabay markii uu kooxdiisa udheelayay Rodri oo masuuliyad badan kulahaa khadka dhaxe.
3. Rajada Horyaalka City waa sidee?
Guardiola ayaa ku qeylinayay ciyaartooydiisa si aysan kubadaha ugu lumin meel halis ah, caqabadaan haddii ay sii soctaa ma muuqato kalsooni lagu qabi karo in City qaadi karto markii shanaad oo xiriir ah horyaalka Premier League.
Hadda waxaa qasab ah in su,aalahaan dambe ee kalsoonida Guardiola iyo luminta horyaalka, Man City jawaab u hesho kulamada soosocda.