Manchester United ayaa la sheegay in ay ka laabatay heshiiska lagu doonayay xiddiga Mathys Tel maalintii ugu dambeysay ee suuqa kala iibsiga January, kadib markii Bayern Munich ay ka hor timid qorshihii Man United.
Wararka ayaa sheegaya in Bayern Munich ay soo bandhigtay dalab gaar ah, iyadoo doonaysay heshiis amaah ah, taas oo ka hor imaanaysay qorshaha Man United ee ah in ay si toos ah ula wareegto xiddiga xagaaga dambe.
Mathys Tel ayaa noqday mid ka mid ah xiddigaha ugu soo jiidashada badan suuqa kala iibsiga, iyadoo kooxo badan oo reer Ingiriis ah sida Chelsea, Arsenal, iyo Tottenham ay isku dayeen in ay la soo saxiixdaan. Si kastaba ha ahaatee, Tel ayaa muujiyay rabitaankiisa inuu ku biiro Man United, isagoo diiday dhammaan kooxaha kale.
Sida ay sheegayaan warbixinnada, Bayern Munich ayaa kaliya doonaysay in ay heshiiska ka dhigto mid amaah ah, taas oo kooxda Man United aysan ku qanacsaneyn. United ayaa doonaysay inay xiddiga si toos ah ugu soo qaadato xagaaga dambe, iyada oo aan ku xad-gudbin heshiiska amahka.
Mathys Tel ayaa ka mid ah xiddigaha mustaqbalka leh ee Bayern Munich, iyadoo kooxaha waa weyn ee Yurub ay aad ugu xiran yihiin sidii ay ku heli lahaayeen. Si kastaba ha ahaatee, Man United ayaa si rasmi ah uga laabatay heshiiska maalintii ugu dambeysay ee suuqa kala iibsiga, taas oo keentay in ay dib u eegis ku sameeyaan qorshahooda ciyaartoyga cusub ee xagaaga.