Tababaraha Real Madrid, Carlo Ancelotti, ayaa la sheegay inuu ka daalay murannada joogtada ah ee ku saabsan garabka Vinicius Jr., sida laga soo xigtay weriyaha Cadena COPE, Manolo Lama. Tani waxay timid kaddib dhacdooyin dhowr ah, oo ay ku jirto kaarkii casaa ee uu qaatay markii uu dhirbaaxo ku dhuftay goolhayaha Valencia, taas oo keentay ganaax labo kulan ah oo La Liga ah.
Inkastoo Ancelotti si rasmi ah u difaacayo 24-jirka, kuna sheegay in kooxda ay weli ku qanacsan tahay, ilo wareedyo ayaa tilmaamaya in tababaraha uu ka niyad-jabsan yahay dhibaatada uu Vinicius la yimaado.
Waxa kale oo la sheegay iney saameyn weyn ku yeesheen dhacdooyin hore oo ay ka mid tahay markii Real Madrid ay ka maqnaatay xafladda Ballon d’Or kaddib markii ay u arkeen in Vinicius si aan caddaalad ahayn loo dayacay.arrintan ayaa cirka kusii shareertay cadhada xiddiga.
Halyeeyga Real Madrid, Jorge Valdano, ayaa ku taliyay in Vinicius la siiyo talo ku saabsan sida loo maareeyo cadaadiska, isagoo sheegay in xiddigo waaweyn sida Cristiano Ronaldo iyo Alfredo Di Stefano ay hore u wajihi jireen cadaadis noocan oo kale ah balse ay diiradda saari jireen sidii ay guulo ugu horseedi lahaayeen kooxda.
Inkastoo muranno ay jiraan, Vinicius weli waa ciyaaryahan muhiim ah oo saameyn ku leh Real Madrid, gaar ahaan guushoodii 3-0 ee semi-finalka Spanish Super Cup oo ay la yeesheen Mallorca. Si kastaba, dhaqankiisa xanaaqa ah kaddib ciyaarta ayaa muujinaysa in uu u baahan yahay is xakameyn wanaagsan.