Arsenal ayaa xidhan doonta funaanad aan ahayn mideeda Casaanka ama gaduudka ee caanka ah kulanka Axada ee Darbiga Waqooyiga London markii ugu horeysay muddo 38 sano ah ka dib markii funaanadooda casaanka iyo cadaanka ah ee garoonkooda loo arkay inay isku midab noqonayan Tottenham.
Gunners ayaa xidhianaysa hadaba, markay booqdan garoonka Tottenham Hotspur Stadium funaanad aan ahayn kooda koowaad ka dib markii ay guddiga garsoorayaasha (PGMOL) ay sheegeen in shaadhka gurigoodu uu ka muuqdo cadaan aad u badan.
Arsenal ayaa sidoo kale sheegtay in xirashada funaanadda gurigooda oo leh buumad gaaban oo casaan ah iyo sharabaado laga wada hadlay balse aan la isku afgaran.
Iyada oo qayb ka ah go’aanka PGMOL, Tottenham waxay sidoo kale xiran doontaa funaanadeeda martida marka ay booqdaan Emirates Stadium kulanka kale ee Janaayo.
“PGMOL iyo Premier League waxay go’aamiyeen in Arsenal Funaanada gurigeeda ee 2024-25 uu yahay mid aad ugu badan caddaanka , sidaas darteed waxay isku midab noqonayan funaanada Tottenham oo cadaan ah.
In Arsenal ay xidhat8 Shaadh aan ahayn midkeeda casaanka kulanka derbiga waqooyga London ay ahayd xilli ciyaareedkii 1985-86.
Kooxda Mikel Arteta ayaa kulanka soo galaysa iyagoo fadhiya kaalinta afraad ee kala saraynta Premier League iyaga oo leh 7 dhibcood oo ay ka heleen saddexdii kulan ee furitaanka, halka Spurs ay ku jirto kaalinta 10-aad iyagoo leh afar dhibcood.
Gunners ayaa badisay labadii kulan ee ugu dambeeyay ee ay booqatay Tottenham.