Ruud Van Nistelrooy ayaa sheegay in uu doonayo inuu sii ahaado kaaliyaha tababaraha kooxda Manchester United marka la magacaabo Ruben Amorim.
United iyo Sporting ayaa ku heshiiyey €11million oo u dhiganta (£9.2m, $11.9m) si Amorim ula wareego shaqada Old Trafford bisha November kadib fasaxa caalamiga ah, iyadoo Van Nistelrooy uu shaqada sii wadi doono.
Laakiin Van Nistelrooy ma doonayo inuu ka tago United marka Amorim uu ku soo biiro xitaa kooxda, waxaana rajo weyn uu ka qabaa inuu la shaqeeyo tababaraha Portugal.
“Waxaan go’aansaday inaan halkan sii joogo, sabab aad u muhiim ah darteed,” ayuu yiri Van Nistelrooy. “Waxaan u imid kaliye si aan kooxda u caawiyo, walina waa doonayaa inaan sidaas sameeyo.
Ka hor inta uusan ciyaarin xalay kulankiisii ugu horeyay, Van Nistelrooy ayaa shaaca ka qaaday inuu la hadlay Sir Alex Ferguson, isagoo sharaxaya arinkaas wuxuu yiri: “Haa, waan la hadlay isaga waxaan ka hadalnay wax yar xaaladayda, kooxda iyo inta badan waxa uu ii rajeeyo ka hor ciyaarta.”
Tababaraha reer Holland ayaa intaa ku daray inuu sidoo kale la hadlay Erik ten Hag todobaadkan. “Waxaan ku arkay isniintii halkaan waxaana la hadlay xalay kahor ciyaarta,” wuxu ii rajeeyay wanaag ayuu yiri Van Nestelrooy.