Ruud van Nistelrooy ayaa ka baxay aamusnaanta wuxuuna ku baaqay in loo baahan yahay wadajirka Manchester United si loo badbaadiyo xilli ciyaareedka kooxda.
Van Nistelrooy ayaa loo magacaabay maamulaha ku meel gaar ah ka dib markii todobaadkan la ceyriyay Erik ten Hag. United ayaa badisay seddex ka mid ah sagaal kulan oo horyaalka ah, waxaana ay ku jiraan kaalinta 14aad ee kala sarreynta Premier League.
Isagoo la hadlayay saxaafada ka hor kulanka Arbacada EFL Cup ee Leicester ka dhacaya Old Trafford, Van Nistelrooy wuxuu sheegay inay muhiim tahay in kooxdu dib u hesho isku duubni ka dib bilawga liita ee ololahaan.
Halyeyga Dutch-ka ayaa yiri: “Sida aan hubo in qof walba uu qiyaasi karo waxa soosocda ma ahan wax fiican, waxaan ku talin lahaa in si wada jir ah aan ugu shaqeyno badbaadada kooxda.
“Erik ten Hag waxa uu igu soo celiyay Manchester United xagaagii, waxa aan kamid ahaa shaqaalaha tababarka bilo yar, mar walba waan uga mahadcelinayaa fursada uu i siiyay, waan ka murugooday inaan arko. isaga oo tagaya.
“Xitaa si ku meel gaar ah inaan u hogaamiyo kooxdeyda sharaf weyn ayay ii tahay inaan maamulo kooxdan oo aan jeclahay, waxaan ballan qaadayaa inaan sii wadi doono shaqadaan ilaa inta ay kooxdu ii baahan tahay.
Manchester United waxay u badan tahay inay magcaabi doonto tababare cusub kaasoo noqon kara macalinka kooxda Lisbon Ruben Amorim.