Tababaraha Manchester United, Ruben Amorim, ayaa sheegay in ciyaartooyda Red Devils aysan iska indho-tiri karin doorkooda ku aaddan shaqo-ka-fiijinta ka dhacaysa Old Trafford.
Milkiilaha maal-qabeenka ah ee British-ka, Sir Jim Ratcliffe, iyo shirkaddiisa INEOS ayaa dhammaystiray iibsashada saamiyo yar oo Manchester United ah bishii December 2023. Tan iyo markaas, mulkiilayaasha cusub ayaa billaabay tallaabooyin lagu dhimayo qarashaadka Carrington, maadaama dakhliga kooxda uu hoos u dhacay sababo la xiriira guul-darrooyin dhanka garoonka ah. Amorim ayaa hadda ugu baaqaya ciyaartoydiisa inaysan iska indho-tirin saameynta ay arrintani ku leedahay shaqaalaha la ceeyrinayo.
Isagoo la hadlayay warbaahinta, Amorim wuxuu yiri: “Waxaan u maleynayaa inay aad muhiim u tahay in kooxdayada koowaad, tababarayaal iyo ciyaartoyba, aynaan iska indho-tirin arrintan. Dad baa shaqooyinkoodii waayaya, waana in aan taas dareen gaar ah u yeelanno. Dhibaatada ugu weyn waa kooxda kubadda cagta, sababtoo ah anagaa qarash gareyneyna, guul ma gaarayno, wax koobab ah ma qaadeyno, Champions League-na ma joogno, taasina waxay saameyn ku yeelatay dakhligeenna.
“Waxaan horay u bixinay lacago badan, markaa hadda waa in aan si taxaddar leh u maareynaa dhaqaalaha. Ma awoodno in aan sidaan rabno u dhisno kooxda. Dhibaatada ugu weyn waa kooxdeena kubadda cagta sababtoo ah anagaa qarash gareyneyno, guul na ma keenayaan.
“Dad baa shaqooyinkoodii waayaya. Dabcan, dareenka ah in aan badbaadin karno shaqooyinkooda ma fududa, arrintaasina waxay saameyn ku yeelatay jawiga kooxda. Sidaas darteed, ma iska indho-tiri karno. Waa inaan dareenkaa yeelanaa, waana in aan oggolaanno in masuuliyadda na saaran tahay mid culus. Waddada kaliya ee aan wax ku beddeli karno waa in aan guuleysano. Talaabada ugu horreysa ee lagu hagaajin karo arrintan waa in aan Tottenham garaacno. Waa tallaabo yar oo lagu caawinayo shaqaalaha la ceyrinayo iyo in aysan sare u kicin qiimaha tikidhada. Anagaa masuul ka ah taas.”