Tababare Ruben Amorim ayaa u calaamadeystay daafaca kooxda Sporting Lisbon Goncalo Inacio inuu noqdo saxiixa mudnaanta ugu horeeya uu siin doono marka uu la wareego shaqada Manchester United sida ay leedahay Sky Sports.
Tababaraha soo socda ee Red Devils ayaa lagu soo waramayaa inuu doonayo inuu si dhaqso ah kaga shaqeeyo suuqa kala iibsiga, waxaana uu rabaa inuu soo qaato ciyaartooy cusub.
Sida laga soo xigtay Sky, Amorim waxa uu Old Trafford geyn karaa dhowr ciyaaryahan oo Sporting katirsan oo uu kujiro Ousmane Diomande, oo lagu qiimeeyo 63 milyan ginni.
Inacio, oo ah daafac dagan oo caqli badan waa mid ka mid ah daafacyada ugu da’da yar uguna fiican adduunka, waa kan Amorim uu doonayo inuu ka dhigo saxiixiisa ugu horeeya.
Isagoo saxiixay qandaraas ilaa 2027 sannadkii hore, 23-sano jirkaan ayaa weli ku seddex sano uga harsan yahay qandaraaskiisa Sporting CP.
Sida laga soo xigtay Sky Sports tababare Amorim waxay u badan tahay inuu xagaagan ku qasbo daafaacn inuu kula biiro Old Trafford, iyadoo taa bedelkeda Antony, Casemiro, Christian Eriksen iyo Victor Lindelof ay kooxda ka tagi karaan.