Tababaraha Manchester United, Ruben Amorim, ayaa si gaar ah u amaanay da’yarka kooxda Harry Amass kadib guuldarradii 4-1 ahayd ee ay kala kulmeen Newcastle.
Amass, oo 18 jir ah, ayaa lagu bilaabay kulanka isaga oo beddel u noqday Patrick Dorgu, wuxuuna saftay kulankiisii ugu horreeyay ee si rasmi ah oo ka dhacay garoonka St James’ Park. Ciyaartiisa ayaa ahayd mid ka mid ah waxyaabihii yaraa ee wanaagsanaa ee laga xusi karo galabtii qadhaadheyd ee ay la ciyaareen kooxda martida ahayd.
Alejandro Garnacho ayaa goolka barbar dhaca u dhaliyay United kadib markii Sandro Tonali uu u furay goolasha Newcastle, taasoo rajadii u soo celisay United qeybtii labaad, balse Newcastle ayaa si buuxda u xasuuqday kooxda Ruben Amorim markii laga soo laabtay qeybta labaad.
Harvey Barnes ayaa ahaa xiddigii ugu firfircoonaa weerarka Newcastle, isagoo labo jeer ka faa’iideystay khaladaadkii daafaca United si uu u dhameystiro labo gool oo 15 daqiiqo gudahood ah.
Ciyaarta waxa kale oo lagu xusuustaa khalad uu sameeyay goolhayaha United, Altay Bayindir, kaasoo baas khaldan siiyay Bruno Guimaraes, taasoo keentay goolka afaraad ee Newcastle. Kooxda reer Tyneside ayaa difaacatay hoggaankaas si ay ugu laabtaan afarta sare ee Premier League.
Dhanka kale, Manchester United ayaa weli ku jirta kaalinta 14-aad, waxaana natiijadani ay xaqiijisay inay dhammaysan doonto xilli ciyaareedkan iyadoo leh dhibcaha ugu hooseeya abid ee ay heleen intii ay Premier League ka ciyaarayeen, xitaa haddii ay guuleystaan dhammaan kulamada u haray.