Tababaraha Manchester United, Ruben Amorim, ayaa diyaar u ah inuu seeftiisa lasoo baxo, waxaana kooxda Premier League ka dhisan uu ku qasbi doonaa in ay iibiso Marcus Rashford.
Sida laga soo xigtay Sky Germany, United ayaa diyaar u ah inay dhageysato dalabyada u imaanaya Rashford, waxayna dooneysaa inay iibiso xitaa suuqa Janaayo.
27 jirkaan ayaa dhaliyay goolkii furitaanka waayaha Amorim, wuxuuna raaciyay labo gool kale kulankii ay 4-0 kaga badiyeen Everton.
Rahsford, ayaa bedel loo isticmaalay guuldarooyinkii xigay ee Arsenal iyo Nottingham Forest, iyadoo Rasmus Hojlund uu ka doorbiday weerarka tababare Amorim.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England ayaa qandaraas ilaa 2028 kula jira kooxdiisa, laakiin United ayaa ku qasbi doonta inuu baxo.
Rashford ayaa £ 300,000 todobaadkii ka qaata Man Utd, waxayna kooxdu ka fakireysa in ay meesha ka.saarto mushaarkiisa qaaliga ah.
Qorsha lagu fasaxayo Rashford waxaa maamulka Man Utd ku qasbaya tababare Amorim oo waayay meel ku qaato weeraryahanka England kadib qiimeyn uu ku sameeyay.