Ruben Amorim ayaa meesha ka saaray in Casemiro uu ciyaaray kulankiisii ugu dambeeyay ee Manchester United.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Brazil ma uusan soo muuqan tan iyo horaantii sanadkan, isagoo si xun ugu dhibtooday kulankii guuldarada 2-0 kooxdiisa kala kulmeen Newcastle bishii hore.
Casemiro waxa uu ahaa bedel aan la isticmaalin kulankii xalay ee Europa League ay ka badiyeen kooxdiisa Rangers, uma badna inuu ciyaaro isbuucaan kulanka Fulham.
Laacibkii hore ee Real Madrid ayaa si weyn loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Boqortooyada Sacuudi Carabiya isagoo dib ula midoobi kara Cristiano Ronaldo.
Markii la weydiiyay sababta ciyaaryahan 70 milyan ginni lagu soo iibsaday laba sano iyo bar ka hor uusan boos u heleyn, Amorim wuxuu yiri: ‘Waa inaan doortaa ciyaaryahan leh astaamo aan ku arko ciyaarta ka hor. Markaa waa taas uun.
Waa inaan sameeyaa doorashooyin badan. Waxaan rabaa inaan ciyaaro qaab ciyaareed ka duwan tababarayaasha kale.
Amorim ayaa dhanka kale sheegay in aanu garanayn in Marcus Rashford uu sii joogi doono ama uu tagi doono maalmaha ugu dambeeya ee suuqa January kooxda Man United.