Afka oo uu ka fooriyo, kubad gacanta hoosteeda la galiyo iyo dhaqamo kale ayaa Ruben Amorim uu ku kordhiyay tababarkiisii ugu horreeyey ee Manchester United.
Isaga ma noqon sida tababarayaasha kale u shaqeeyaan, kuwaas oo isaga dhax baxa shaqaalaha tababarka iyo ciyaartooyda.
Amorim wuxuu halkan u joogaa inuu tababare noqdo isaga ayaa maskaxdiisa ka bixinaya cashirada tababarka sida lagu daabacay Daily Mail.
Amorim dhaqamada kale ee uu soo kordhiyay waxaa kamid ah in mid mid uu ula kulmo ciyaartoyda isagoo kala sheekeysta xaaladaha gaarka ah ee hoos u dhac ku keeni kara.
Mason Mount ayaa ah shaqsiga ugu badan ee Amorim uu waqti galiyo inta lagu jiro qolka jimicsiga ciyaartooyda.
Amorim ayaa sidookale si gaar ah ula fariistay Luke Shaw, Kobbie Mainoo iyo Leny Yoro oo dhamaan dhaawac kasoo laabtay.
Dhamaan dhaqamadaa Amorim kusoo kordhiyay Man Utd waxay ka duwan yihiin kuwii Ten Hag, kaas oo mar walba ciyaartoydiisa si shaqsi ah aan ula fariisan jirin.
Tani kama dhigna Ten Hag waa macalin xun, laakiin Amorim ayaa leh qaab ka duwan tababaraha reer Holland iyo tababarayaashii kale ee soo maray Man Utd.