Inta badan ciyaartoyda Manchester United ayaa ku faraxsan siyaasada tababaraha cusub ee Ruben Amorim ka dib markii uu sameeyay 23 isbedel tan iyo kulankiisii ugu horeeyay ee uu hogaamiyay kooxda.
Amorim, oo ka yimid Sporting Lisbon bishii hore, ayaa ku soo bilaabay 20 ciyaaryahan oo kala duwan shaxdiisa tan iyo markii uu bedelay Erik Ten Hag oo la ceyriyay shan kulan ka hor imaatinkiisa.
Tababaraha Portuguese-ka isbedeladaas wuxuu ku muteystay dhalaceyn kaga timid kabtankii hore ee kooxda Gary Neville.
Intii lagu guda jiray guuldarradii 3-2 aheyd ee ka soo gaartay Nottingham Forest, Amorim wuxuu sameeyay seddex bedel daqiiqadii 66aad, labo ka mid ah seddexda daafac ee uu kusoo galay ayuu kaga saaray garoonka.
Kabtankii hore ee Man Utd Neville ayaa guuldarada kadib sheegay in Amorim uu sameynayo qaladkii uu sameeyay Ten Hag isaga oo isbadalo badan oo aan loo baahneyn sameynaya.
Markaad shantaada bedel u isticmaasho saddex kamid ah difaaca wax fiican ma ahan, waxaana umaleynaa inuu qalad sameynayo kulan kasta.
Amorim ayaa hadda wajahaya cadaadis xoogan oo kaga imaanaha halyeeyadii hore ee Man Utd kuwaasoo inta badan ah falanqeyayaal.