Roy Keane ayaa amaanay qaab ciyaareedka Trent Alexander-Arnold kulankii ay England 2-0 kaga badisay Finland.
Saddexda libaax ayaa ku soo laabtay Wembley markii ugu horeysay iyadoo uu ka maqan yahay Gareth Southgate in ka badan sideed sano Talaadadii.
Harry Kane ayaa kabtan u ahaa England una saftay xalay kulankiisii 100-aad ee caalami ah, halka Lee Carsley uu markale aaminay Alexander-Arnold inuu ku soo bilowdo dhanka daafaca.
Xiddiga Liverpool ayaa ku abaalmariyay kalsoonida Carsley isaga oo soo bandhigay qaab ciyaareed la hubo , isaga oo u adeegay mid ka mid ah weerarrada ugu muhiimsan ee kooxda martida loo ahaa isla markaana caawiyay goolkii ugu horeeyay ee labadii gool ee Kane.
Isagoo ka hadlayay ciyaarta ka dib Keane ayaa ku adkeystay baasaska Alexander-Arnold inuu ka duwan yahay inta badan saaxiibadiisa kubada cagta adduunka.
‘Cajiib, Waxay u ahayd habeen u fudud isaga,’ Keane ayaa u sheegay ITV Sport.
Marka aad siiso ciyaartoy heer sare ah waqti iyo boos ay kubbada ku bixiyaan markaas si cad ayay go’aankooda uga qaadan lahaayeen, nooca baasaskii uu samayn jiray, xawliga baasasyada”.
“Baaskan, ciyaartoy badan ma sameyn karaan, dhex bixiska Trent aad buu u qurux badan yahay oo waa mid waxtar leh.’
Alexander-Arnold wuxuu isku arkaayay waagiisi Southgate mid la jahwareeriyay, wuxuuna ku soo bilowday kaliya labo kulan oo Euro 2024 ah , iyadoo tababarihii hore ee England uu tijaabiyay inuu dhexda ka dhigo.
Si kastaba Carsley ayaa keenay xalka daafaca Kooxda Liverpool.