Roy Keane, kabtankii hore ee Manchester United, ayaa si weyn ugu amaanay Liverpool inay sii haysato Mohamed Salah, isaga oo ku adkaystay in weeraryahanka reer Masar uu yahay ciyaaryahan gaar ah oo ka bedeli lahaa xaaladda Arsenal haddii uu qeyb ka ahaan lahaa kooxdaas.
Liverpool ayaa si weyn u xoogaysatay hogaanka Premier League kadib guul 2-1 ah oo ay ka gaareen West Ham, halka Arsenal ay dhibco lumisay kadib barbaro 1-1 ah oo ay la gashay Brentford, taas oo keentay in Reds ay 13 dhibcood ka sare marto Gunners iyadoo lix kulan ay ka harsan yihiin xilli ciyaareedka.
Sidoo kale, taageerayaasha Liverpool ayaa u dabaal-dagay saxiixa heshiis cusub oo uu Salah la galay kooxda, taas oo meesha ka saartay wararka sheegaya in uu u wareegi doono Saudi Arabia marka uu heshiiskiisa hore dhaco dhamaadka xagaagan.
Salah, oo si weyn loogu tiriyo ciyaartoyda ugu wanaagsan ee Premier League xilli ciyaareedkan, ayaa qalinka ku duugay heshiis cusub oo laba sano ah oo uu ku sii joogayo Anfield ilaa 2027.
Roy Keane ayaa sheegay in go’aanka Liverpool ay ku sii haysatay Salah uu yahay mid muhiim ah, isla markaana Arsenal ay si fudud u qaadi lahayd horyaalka haddii xiddigan uu qeyb ka ahaan lahaa kooxdooda.
“Salah waxa uu qabtaa shaqo cajiib ah toddobaad kasta,” ayuu yiri Keane.
“Wuxuu dhaliyaa goolal, ama caawiyaa – waa mid isbedel keeni kara.”
“Haddii uu u ciyaari lahaa Arsenal, si fudud ayay horyaalka ugu guuleysan lahaayeen.”
Keane ayaa hadalkiisa kusoo afjaray isagoo xusay in Salah yahay ciyaaryahan faro ku tiris ah oo saameyn dhab ah ku leh horyaalka, go’aankiisana uu ahaa guul weyn oo ay Liverpool gaarto.